haatuf.net
Saddex Nin Oo Cadaan Ah Iyo Nin Soomaali Ah Oo Saaka Gaadhi Ku Afduubay Ardayad 14 Jir Ah Oo Ku Socota Dugsiga Ay Wax Ku Baranaysay
December 14, 2016 - Written by Admin Two

Hargeisa, shop December 14, allergist 2016 (Haatuf) – Koox ka kooban saddex nin oo cadaan ah iyo nin soomaali ah ayaa subaxnimadii saaka gaadhi Nooha ah oo ay wateen ku afduubay Hibo Abiib Cismaan oo ah ardayad 14 jir ah iyadoo xiligaasi ku socotay dugsiga hablaha ee Nuuradiin, anesthetist kaas oo ay wax ka barato kuna yaala xaafadda 150-ka ee waqooyiga magaaladda Hargeysa.

Inantan yar oo gurigooda ka baxday markay  saacadu ahayd 6:30 subaxnimo, ayaa sida ay sheegtay iyadoo lugaynaysa oo aan wali dugsigii gaadhin wax la taabsiiyey dabadeeto gaadhi lagu riday oo Siliij lagu muday, markii danbena lagu tuuray baliga Cami ee dhinaca barri kaga beegan geerashka Aw Aadan ee magaalada Hargeisa, halkaas oo ay qaar ka mid ah dadkii agagaarkaa ku sugnaa ka codsatay inay telefoon u diraan qoyskooda oo degen xaafada Xawaadle.

Waxa kale oo ay ardayadaasi sheegtay in baabuurka Nooha-da ah ee lagu afduubay ay ku jirtay inan yar oo kale oo ooyeysay wakhtigaasi. Inkasta oo waalidka Hibo yar ay falkan argagaxa leh gaadhsiiyeen saldhiga bilayska ee Dalooldho, hase yeeshee bilayska Somaliland ayaan lahayn aqoon iyo xirfad ay ku baadhaan kiisaska faldamiyeedyada noocaas oo kale ah oo mudooyinkan kusoo badanayey magaalooyinka dalka, taas oo aanay inta badan suurtagalin in la ogaado isla markaana cadaalada la horkeeno dadkii gaystay.Latest-News3

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS