haatuf.net
Wasiirka Madaxtooyada Oo Ka Soo Noqday Socdaal Qarsoodi Ah Oo Ku Tagay Dalka Masar
December 16, 2016 - Written by Admin Two

Hargeysa, find December 16, shop 2016(Haatuf)-Waxa magaalada Hargeysa todobaadkan ku soo laabtay wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ka dib markii uu soo dhamaystay booqasho qarsoodi ah oo uu ku tagay dalka Masar.Wali ma  cadda ujeedada socdaalka uu Mr Xaashi xilgan ku tagay caasimadda Masaarida ee Qaahira iyo cidda uu halkaasi kula kulmay toona.

Wasiirkan ayaa ka mid ahaa masuuliin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo todobaadkii hore u safray Dubai halkaasoo ay shirar kula lahaayeen shirkadda DP World oo waqti hore oo sanadkan ah lagu wareejiyey gacan-ku-haynta dekadda Berbera.Hasayeeshee Mr Xaashi ayaa isagu u safray dhinaca Qaahira halka ay xubnihii kalee wafdigu ku soo laabteen Hargeysa ka dib markii ay soo dhameysteen kulamadii Dubay.Inkastoo ay jireen warar sheegayey in wasiir Xaashi uu hadana  Qaahira meel kale uga sii gudbay hadana ma jiraan ilo madaxbanaan oo xaqiijinaya arintaasi.

Maxamuud Xaashi oo ahaa wasiirka kaliya ee madaxweyne Siilaanyo ku wehelinayey booqashadii uu dalka Kuwait ku tagay bishii March 2016 ayaa isagu ka hadhay diyaaradii  madaxweynaha u soo qaaday Hargeysa, viagra sale waxaanu  tikidh business class ah oo ay leedahay British Airways u goostay magaalada London iyadoo ay xiligaasi soo baxeen warar aanay xukuumaddu beenin oo sheegayey inuu London u sii qaaday jeeg lacag $20 milyan ah oo uu ku deeqay Amiirka Kuwait.

Dhinaca kale wasiirka Ganacsiga Shuceyb Cumar Maxamuud ayaa isna Qaahira u ambabaxay isla maalintii uu Maxamuud Xaashi ka soo noqday èe uu Hargeysa soo gaadhay.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS