haatuf.net
Kulankii Dubay : Wasiirka Khaarajiga Oo Ka Cadhooday DW Ports Iyo Wasiir Maxamuud Xaashi Oo Ka Aqbalay In Aanay Fulinin Maalgalintii Ay Ku Balanqaaday Inay Ku Samayn Doonto Dekadda Brrbera
December 17, 2016 - Written by Admin Two

Hargeysa, medicine December 16,2016(Haatuf)-Shirkadda Dubai World Ports  ayaa kulanki ay dhawaan magaalada Dubay kula yeelatay masuuliin ka tirsan dawladda Somaliland ka sheegtay inay joojinayso maalgalintii ay ku balanqaaday inay ku sameyn doonto dekadda Berbera iyadoo heshiiska ay  DWP la gashay xukuumadda Somaliland ee ay kula wareegaysay maamulka dekaddu uu shirkadaasi  ku waajibinayey inay dekadda balaadhiso isla markaana qalabayso.Mawqifkan cusub ee ay DWP soo bandhigtay ee ay qodobkii ugu muhiimsanaa heshiiska kaga baxday ayaa waxa uu ka cadhaysiiyey wasiirka Khaarajiga Sacad Cali Shire kaasoo shirkii ka baxay.Hasa yeeshee wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi iyo Wakiilka Somaliland u fadhiya Imaaraatka Baashe Cawil oo iyagu danaynayey in shirkadu soo dayso qayb ka hadhsaneyd lacagtii xaqul-qalinka ayaa wacay DWP ka aqbaleen inay dekadda la wareegto iyadoon lagu xidhin inay hirgaliso qodabkii maalgalinta.

 

 

 

iyada iyo masuuliin ka tirsan

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS