haatuf.net
Madaxweyne-Ku-Xigeenka Oo Shirkadda DWP Magaalada Dubay Ugu Saxeexay Wax-Ka-Badal Ay Dalbatay In Loogu Sameeyo Heshiiskii Dekadda Berbera
December 18, 2016 - Written by Admin Two

Hargeysa, erectile December 18, viagra buy 2016(Haatuf)-Madaxweyn-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa shirkadda Dubai World Ports magaalada Dubay ugu saxeexay wax-ka-badal ay dalbatay in loogu sameeyo heshiiskii ay la gashay xukuumadda Somaliland badhtamihii sanadkan ee ku saabsanaa maalgalinta dekadda Berbera.Sida uu dhigayey heshiiskii ay labada dhinac wada galeen ee uu Baarlamanka Somaliland ansixiyey , xukuumadda ayaa maamulka dekadda Berbera ku wareejinaysay shirkadda DWP iyadoo ay xukuumaddu wareejintaa dhaafsatay maalgalin ay shirkadda DWP ku samayn doonto Dekadda .Maalgalinta ay DPW xilqaaday ayaa waxa ka mid ahaa inay qayb cusub ku kordhiso dekadii hore isla markaana ay ku xoojiso qalab casri ah. Hase ahaate  bedelkan horaanti bishan lagu sameeyey heshiiskii dekadda ayaa waxa uu  shirkadda DWP u saamaxaya inay la wareegto dekadda isla markaana joojiso maalgalintii ay ku balanqaaday .

Shirkadda DWP ayaa waxa ku dhiiriyey inay dalbato wax-ka-badalkan heshiiska ka dib markii uu wakiilka Somaliland u fadhiya Imaaraatka Baashe Cawil uu shirkadda ka codsaday lacag dhan 10 milyan oo doolar ah oo uu sheegay inay xukuumaddu degdeg ugu sii baahantahayay oo ay ka goosan doonto dakhliga dekadda ee sanadka u horeeya.Hadaba wax-ka-bedelkan heshiiska ee ay isla garteen Baashe Cawil aya markii ay DWP ku soo bandhigtay kulankii bishan iyada iyo masuuliinta Somaliland ku dhexmaray Dubay waxa ku gacan saydhay oo shirkiina ka baxay wasiirka Khaarajiga Sacad Cali Shire taasoo keentay in Baashe Cawil uu ogolaanshehi xukuumadda Somaliland ka soo saxeexo madaxweyne-ku -xigeenka Saylici oo xiligaa Dubay ku sugnaa,iyadoo ay DPW lacagti $10 milyan Baashe ku wareejisay isla markaana ay isku afgarteen in shirkadda dekadda lagu wareejiyo 15/1/2017.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS