haatuf.net
Madaxtooyada Somaliland Ilaa Intee In leek Ayey Faysal C Waraabe Kula Socotaa Mashruuciisa Konfederaalka Ah Ee Baashe Cawil Dabada Ka Riixayo
January 4, 2017 - Written by Admin Two

Hargeysa, ed January 4, tadalafil 2016(Haatuf)-Wiilka Baashe Cawil ee uu soddoga u yahay madaxweyne Siilaanyo ayaa dabada ka riixaya mashruuc uu Faysal Cali Waraabe qandaraas ku soo qaatay oo Somaliland iyo Somalia dib loogu midaynayo hab Konfederaali ah ( Confederal).Faysal Cali Waraabe oo dhawaan la jabsaday sanduuqiisa email-ka ayaa waxa laga helay qoraalo ay isdhaafsadeen nin magaciisa la yidhaahdo Mark David Iden kaasoo uu Faysal ka dalbanayo inuu ka caawiyo meel marinta fikrad ah in Somaliland iyo Somalia ku midoobaan dawlad ku dhisan nidaamka Konfederaali ah (confederal).Faysal waxa uu Mark David ka codsanayaa inuu dawladaha ay isku fiicanyihiin ka dhaadhiciyo fikraddan Konfederaalka isaguna (waa Faysal eh) ka shaqeyn doono sidii uu ugu qancin lahaa madaxtooyada iyadoo ay emilada la jabsaday muujinayaan isku-haleyn Faysal ka qabo dhinaca hogaanka dalka.

Dadka lagu soo hadalqaaday email-ladan waxa ka mid ah Baashe Cawil iyo nin deggan Jarmalka oo la yidhaa Cumar kaasoo sida muuqata Faysal kala shaqeynayey mashruuca Konfederaalka .Faysal Cali Waraabe ayaa 2 sanadood ee u dambeeyey xidhiidh dhaw la yeeshay madaxtooyada Somaliland gaar ahaan wiilka Baashe Cawil oo isagu hadda kala wada hawlihii wasaaradii Khaarajiga.

Inkastoo aanaywali cadeyn ilaa xadka ay Faysal iyo madaxtooyaduku wada socdaanarintan Konfederaalka, hospital hasa yeeshee waxa aan shaki ku jirin in mashruucani uu jaahwareer farabadan ku riday beesha caalamka oo dawladaha qaarkood ay hadda u haystaan in Somaliland ka hadhay rabitaankeedii ahaa in loo aqoonsado dal iyo dawlad madaxbanaan .

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS