haatuf.net
Wafdi U Hogaaminayo Baashe Cawil Oo Ay Ka Midyihiin Wasiirada Khaarajiga Iyo Madaxtooyada Oo Adis-Ababa U Tagaya Si Ay Itoobiyaanka Uga Shaki Saaraan Ujeedada Saldhiga Imaaraatka
January 19, 2017 - Written by Admin Two

Hargeysa,January 20,2017(Haatuf)-Wafdi uu hogaaminayo wiilka uu madaxweyne Siiraanyo soddoga u yahay ee Baashe Cawil ayaa la filaya inuu dhawrka maalmood ee fooda inagu soo haya u anbabaxo Adis-Ababa si ay madaxda dawladda Itoobiya ugula soo hadlaan arinta saldhiga milatari ee dalka Imaaraatka Carabtu doonayaan inay ku yeeshaan xeebta Berbera ee Somaliland.

Xubnaha wafdigan oo ay ka midyihiin wasiirka Khaarajiga Sacad Cali Shire iyo wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi ayaa waxa la filaya in madaxda ay dhinaca Itoobiya kala kulmi doonaan ay uu soo bandhigaan faahfaahin ku saabsan ujeedooyinka ay Imaaraatku ka leeyihiin saldhigaasi ay xukuumadda Somaliland ka codsadeen in Berbara laga siiyo isla markaana inay Itoobiyaanka ka saaraan wixii shaki ah ee ay arintsasi ka qabaan haddi uu jiro.

Baashe oo isagu ah qofka dabada ka riixayey mashruuca saldhiga ayaan ilaa hadda ummadda usoo bandhigin faaiidada Somaliland ugu jirta ee ay dhaafsanayso bixintiisa waxaanay xogla’aantaasi ay dadweynuhu qabaani sababtay jaahwareer iyo mucaaradad xoog leh oo ka dhan mashruuca saldhiga.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS