haatuf.net
Axsaabta Oo Kulamadii Ay La Yeesheen Safiirada Reer Galbeedka Muujiyey Inay Wali Isku Khilaafsanyihiin Mudada Loo Kordhinayo Madaxweynaha
January 23, 2017 - Written by Admin Two

Hargeysa,January23,2017(Haatuf)- Xisbig Kulmiye iyo labada xisbi ee mucaaridka ee Ucid iyo Wadani ayaa kulamo ay maanta Hargeysa kula yeesheen wafdi safiiro reer Galbeed ah muujiyey inay wali isku khilaafsanyihiin mudada loo kordhinayo xukuumadda madaxweyne Siiraanyo iyo waqtiga la qabanayo doorashada lagu dooranayo madaxweynaha cusub ee badalaya . Xisbiga Kulmiye ayaa taagan in doorashada la qabto bisha May 2017 halka Ucid iyo Wadani ay qabaan in mudo-kordhintu noqoto 6 bilood. Wafdiga safiirada oo ay hogaaminayso marwada Midowga Yurub uga wakiil ah Somalia Veronique Lorenzo ayaa shalay dalka booqashu ku yimid waxaanay ku taliyeen in dooorashada sida ugu dhaksaha badan loo qabto.Hasa yeeshee labada xisbi mucaarid ayaa markii la suaalay qaabka ay uga hortagayaan in aan Guurtidu sidii caadada u aheyd sameynin mudo kordhin xad dhaaf waxa soo shaac baxday in aanu jirin wax qorshe ah oo ay kaga gaashaamanayaan arintaasi.

Diblomaasiyiinta booqashada ku jooga caasimadda oo ay ka mid ahaayeen sifiirada dalalka Denmark,Holland iyo Talyaaniga ayaa galinkii horee maanta   madaxtooyada  ku kulmay madaxda xukuumadda Somaliland iyadoo wasiirka Arrimaha Dibadda Sacad Cali Shire laga soo weriyey inay wafdiga u sheegeen in xukuumad ahaan ay mudnaanta kowaad  siinayaan wax-ka -qabashada abaarta doorashadana sida ugu dhakhsaha badan loo qaban doono.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS