haatuf.net
Konteenaro Sl.Sh Ah Oo Madaxtooyadu Ku Soo Dayso Suuqa Oo Ka Mid Ah Asbaabaha Loo Aanaynayo Sicir Bararka Iyo Dumar Iyo Caruur Ka Mudaaharaaday Maceeshada Qaligarowday Oo La Xidhay
January 24, 2017 - Written by Admin Two

Hargeysa,January 24,2017(Haatuf)-Qiimo dhaca cumladda Somaliland ee Shilinka  iyo qaaligarowga maceeshadda oo is-barkan ayaa sababay inuu galinki horee maanta istaago dhamaan dhaqdhaqaaqii ganacsiga ee ka socon jiray suuqyada magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera iyadoo uu sirifka halka Doolar gaadhay 9000 Shilin taasoo keentay in qiimahii raashinka iyo adeegii guryuhu cirka isku shareero oo ay meheradahiina ku adkaato inay sicir u gooyaan alaabooyinka ay iibinayaan.

Magaalada Berbera ayaa saaka waxa la xidhay dukaamadii iyo bakhaaradii sicir-bararka awgeed halka suuqa Gobanimo ee Hargeysa ay dumarkii soo kalahay waayeen waxay xaafadihii kula hagaagaan taasoo marki danbe sababtay inay si silmi ah uga mudaaharaadaan sicir bararka maceeshadda.Hasa yeeshee bilayska ayaa weerar ku soo qaaday dumarkii iyo caruurtay suuqa tubnaa iyadoo qaar ka mid ah ay xabsiga u taxaabeen.

Sicir bararka maceeshadda iyo hoos-u-dhaca qiimaha Shilinka Somaliland ayaa waxa loo tirinaya dhawr arimood oo ay ugu muhiimsan yihiin konteenarro lacagta Somaliland ah oo ay madaxtooyada dalku labadii bilood ee u dambeyey ku soo daynaysay suuqayada sarifka lacagta si Doolar loogu badelo.Waxa kale oo loo aanaynayaa Zaadka ,eDahabka,lacagta adag ee Qaadka maalinwalba Ethiopia lagaga soo iibsanayoyo, tujaarta ka ganacsata sarifka lacagta kuwaasoo marna urursada Somaliland Shilinka marna Doolarka si ay uga faaiidaystaan faraqa sarifka lacagta badan ee ay rogrogayaan iyo waliba wasaaradaha tirada badan een daruuriga aheyn ee samaysmay intii uu madaxweyne Siiraanyo talada dalka hayey .

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS