haatuf.net
Xalkii Guurtidu Ma Xilqarinbuu Ahaa Mise Xal-Raadin; By Dr. Xassan Dhaymoole
November 17, 2014 - Written by Admin Two

Fara-gelinta Saleebaan ee Arrinka Wakiiladu Ma Xallin-khilaafbuu Ahaa Mise U-xilqarin Xildhibaannadii Mooshinka Waday ee Goluhu u Furmiwaayey Kedib Markay Waayeen Tiradii Ku Filnayn? Faahfaahin ku saabsan siday wax u dhaceen…….. Dr. Xassan Dhaymoole

Muwaadin, medicine waxa kaliya oo aad u baahan tahay in aad hoos u eegto dhacdooyinkan, store kedibna adigu la kaasho caqligaaga jawaabta su’aashaas kor ku qoran

  1. Golaha Guurtidu waxa uu hore u go’aan uga gaadhay khilaafkii ku saabsanaa labada guddoomiye ee kuraastooda hoos loo dhigay waxaana uu kasoo saaray go’aamo odhanaya saddexda kursiba isku tiro ha lagu rido kuraastoodiina halkoodii haloo daayo. Sidii ayaa lagu qaatay oo loogu codeeyey. Wuxuu ahaa go’aan labada goleba isla qaateen
  2. Saleebaan iyo Guurtiduba waxa ay ka war-qabeen qorshaha ay xukuumaddu wado ee mooshin lagu ridayo Cirro, cialis kaas oo kasoo horjeeda go’aankeedii ay hore u guddoomisay. Hase ahaatee, wax tallaabo ah kama ay qaadin!
  3. Saleebaan iyo Guurtidu waxa ay arkayeen ciidanka la dul dhigay golaha oo ay isku guri ku jiraan. Waxa ay arkayeen saxaafadda xorta ah ee loo diiday golaha. Waxa ay arkayeen xildhibaannada xukuumadda la socda ee golaha kalidood soo galaya iyo xildhibaannadii kale oo maqan. Waxa aan caad ka saarnayn in ciidankii ilaalada Guddoomiyaha subaxnimadii 7.00dii lagu celiyey hotelka Imperial. Waxa ay arkayeen in aanuu guddoomiyaha iyo xildhibaannadii la socday kasoo xaadirin golaha
  4. Subaxnimadii ayay xildhibaannada xukuumadda la socdaa kusoo kalaheen golaha oo ay fadhiisteen, hase ahaatee 5 saacadood ayay sugayeen in tirade golaha lagu furikaraa u soo buuxsanto, tiradaas oo ah 42 qof. Nasiib wanaag tiradaas waa ay dhaafiwaayeen sababta oo ah waxa 41ka xildhibaan ee mooshinka markii hore saxeexay kamid ahaa 9 xildhibaan oo gobolka Awdal kasoo jeeda oo markii ay arkeen in wadanku ku dambaynayo laba guddoomiye iyo laba baarlamaan ka noqday mooshinkii.
  5. Markii ay gaadhay 11.30kii ee xildhibaannadii xukuumaddu wadatay tacjadeen ee qorshahoodii dhagaraysnaa fashilmay, ayuu Saleebaan usoo galay isaga oo wata tiro odayaashii ah oo uu ula yimid taladan isla markiibana iyaga oo naftu hayso ayay qaateen. Weliba waxa jiray ninka Baashe la yidhaahdo oo isagu ku hanweynaa in uu maalintii Sabtida Guddoomiye noqdo ayaa ka gows-adaygay oo weliba rabay in uu yidhaahdo tiradii golaha lagu furayey way joogtaa goluhuna wuu furan yahay hana la I doorto…….si uu qas iyo buuq u abuuro qasabna gudoomiyaha loogu ballanqaaday u noqdo. Waxaase markiiba ka hoos kacay rag ogaa talada xaajiga iyo waji-gabaxa haysta oo yidhi waannu qaadanaynaa ee go’aami.

Haddaba akhriste, aan kuugu celiyo su’aashiiye, faragelinta Saleebaan ee goluhu ma xal-raadin iyo khilaaf-dejin bay ahayd mise xilqanin iyo asturaadda xukuumadda la qaawiyey?

Dr. Xassan Dhaymoole

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS