haatuf.net
Idaacadii FM-Ta Ahayd Ee Mudooyinkii U Dambeeyay Habeenkii Laga Dhageysanayay Hargeysa Oo Ay Caawa Ciidanka Bilaysku Qabteen
November 17, 2014 - Written by Admin Two

Hargeysa, health November 17, 2014 (Haatuf) Idaacad FM-ta ahayd ee habeenkii abaaro 9:30 baahinteeda laga dhageysan jiray magaaladda Hargeysa islamarkaana ay xukuumadda Siilaanyo ku dawakhday helideeda ayaa goordhaweyd caawa la qabtay Caasimadda.

Waxaana la sheegayaa inay hadda ciidamadda bilaysku mudooyinkii u danbeeyey ay baadi-goob ugu jireen helideeda isla markaana ay ku dawakheen, taas oo mar walba laga sii dayn-jiray warar ka dhan ah xukuumadda Siilaanyo.

Sida ay wararka laga helayaa sheegayaan Qalabkii Idaacadaas FM-ta  ahayd ayaa lagu qabtay dad aan tiradooda la shaacinin ayaa lagu hayaa saldhiga dhexe ee magaaladda Hargeysa.

Haatuf.net kala soco wixii ka soo kordha wararka Idaacadda FM-ta ah.

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS