haatuf.net
Xukuumadda Siilaanyo Oo Xabsiga Dhigtay Artislaha Xasan Ganey Baanalo U Buufiyey Xisbiga Waddani, Muddo Shan Cisho Ahna Saldhiga Dhexe Ugu Jira Maxkamad La’aan
November 18, 2014 - Written by Admin Two

Sidoo Kale Ciidanka Bilayska Ayaa Xabsiga Dhigay Xaaska Farshaxankaas Oo Umul Ah

 

Hargeysa, pills November 18, sale 2014 (Haatuf) – Meherad ganacsi ah oo ku taala agagaarka garoonka kubadda kolayga ee Timacadde oo la yidhaa Ganey Arts, advice ayaa cidamadda bileyska somaliland ay laba ka mid ah shaqalaha meheradaas oo magacyadoodu kala yihiin Xasan Ibrahim Nuur iyo Cabdifatax Cabdilahi Xasan, ayay cidamadu bileysku habeenkii Sabtidu soo galaysay ee Toddobaadkii ina dhaafay ka kaxeysteen meharadooda sida ay noo xaqijiyeen masuuliyiinta Ganey Arts.

Meherada ganacsi ee Ganay Arts, wa meherad farsamo dhanka gacanta oo samaysa boodhadhka, calamaanta iyo sawirada gacanta lagu sameyo oo inta badan ay iibsadaan ururada samafalka, xisbiyada siyaasadaha iyo iwm.

Waxaana ay hawlwadeenada Ganey Arts noo sheegeen habeenkii sabtidu soo galaysay abaaro 11kii habeenimo ay qaar ka mid ah cidamada bileyska soo galeen meherada, iyadoo wakhtiga hawl shaqo ay ka socotay meherada. Inkastoo aanay sheegin ama cadayn ujeedada booqashadooda, inkasto ila hadaa la ogayn asbabta xadhiga loogu maleegay ee ila imika ay ugu xidhan yihiin saldhiga dhexe ee magalada hargeysa maxkamadana laa hor keenin, hadanase waxa keliya ay arkeen calamaan xisbiga waddani oo ka dalbaday kana iibsaday meherada oo uu diyar ahayd.

ilaa hadda maamulka boliiska sida jananka boliiska kama aanay hadal muwaadiniintaa sharci darada ugu xidhan saldhiga dhexe,waxaana la odhan karaa xadhigan loo geystay labadan muwaasin inuu salka ku hayo arrimo xifiltanka ay xukuumaddu bilawday beryahan ee ay ku hayso guddoomiyaha golaha wakiilada sidoo kalena ah kan xisbiga Waddani halkaas oo xukuumaddu ay muddooyinkii u dambeeyay ay lasoo baxaysay dhaqamo aan caadi ahayn kuwaas oo had iyo jeer aad arkayso ammaro iyo awoodo ay cid gaar ah adeegsanayso oo ciday doonto iyo siday doonta u fushanaysa.Ganey-Arts-3

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS