haatuf.net
“Madaxtooyada Miyaanuu Rag Ka Talin, Mise Dumar Ayaa Ka Taliya?” Xildhibaan Baar Siciid Faarax
November 18, 2014 - Written by Admin Two

Hargeysa, anabolics November 18, 2014 (Haatuf) – Xildhibaan Baar Siciid Faarax oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ee laga soo doortay Gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in labadii Gole u xidhan yihiin xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana waxay sheegtay in xukuumaddu u dhaqmayso sidii xukunkii Militariga ahaa ee Siyaad Barre.Baaar

 

Sidaa Xildhibaan Baar waxay ka sheegtay mar at warbaahinta kula hadashay magaalada Hargeysa.“Waxa la yidhi haddii aad aragto wax dhamaan waaya ama hal ayaa ka dhiman ama ku dheer. Madaxtooyada rag miyaanuu ka talin, mise dumar ayaa ka taliya.? Somaliland waxaanu u sheegaynaa shalay ba siyaad Barre waxaad ku diideen xukun Malateri, Maantana xukun Malateri baa ina haysta. Golihii Wakiiladu wuu xidhan yahay, kii guurtiduna wuu xidhan yahay, maxaa afka looga dhawrayaa labadii Goleba waa la haystaa.

Xildhibaan Baar waxay hadalkeeda intaa sii raacisay oo ay tidhi,“Dalka waa in sidan loo dhamaa oo laga dayaa dib u dhaca oo hore loo sii socdaa. Waxaas oo dhan waxa loo samaynayaa waa kordhin, mana yeelayn in la kordhiyo”.Xildhibaan Baaar

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS