haatuf.net
Qaadhaan Bixiyeyaasha Oo Xukuumadda Somaliland uga Digay Muddo-Kordhinta, Madaxwayne Siilaanyo-na Ugu Digay Faro-galinta Baarlamaanka
November 18, 2014 - Written by Admin Two

Hargeysa, shop November 18, 2014 (Haatuf) – Qaramadda Midoobay, wadamadda qaadhaan bixiyayaasha ah ee daneeya horumarka dimoqraadiyada Somaliland iyo Beesha caalamka ayaa lagu soo waramayaa in ay si toos ah cadaais xoog leh ugu saareen xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo, in ay faha kala baxdo faro-geinta ay xukuumaddu ku hayso baarlamaanka Somaliland, faro gelintaas oo keentay in khilaaf ka dhex alloosma golaha Wakiilada oo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah oo dibad baxyo salmi ah ku muujiyay in xukuumaddu ay faraha kala baxdo arrimaha Baaralamaanka.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka ag dhaw xukuumadda, ayaa tibaaxaya in Qaramada Midoobay iyo wadamadda qaadhaan bixiyayaashu, ay si toos ah ula dalbadeen Madaxweyne Axmed Siilaanyo, in u doorashadda xilligeeda ku qabto isla marakaana ay xukuumaddu u dayso Baaralamaanka in uu xilkiisa guto, waxaana culaysyadaas la saaray xukuumaddu ay kala ahaayeen kuwo si toos ah loogu wargeliyay Madaxweynaha iyo kuwo si toos ah loola socodsiiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.

Illo wareedyaddu, waxa ay intaa ku dareen in faro gelinta iyo marmarsiiyaha qaawan ee ay xukuumaddu ku hayso golaha wakiiladda ee sababtay khilaafkan keenay kacdoonka shacabku, ay si weyn u dhaawacayso hanaankii geedi socodka dimoqraadiyada doorashooyinka Somaliland, waxaanay ugu baaqeen in xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo, aanay caqabad ku noqon in doorashada xilligeedii lagu qabto, waxaanay uga digeen muddo kordhin xukuumadda loo sameeyo.

Qaramadda midoobay iyo qaadhaan bixiyayaashu waxa ay sidoo kale walaac xoog leh ka muujiyeen tacadiyada, ay xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku hayso xoriyada saxaafadda xorta ah iyo xoriyatul qawlka, waxaanay canbaareeyeen xadhigii ay xukuumaddu kula kacday xildhibaanadda mucaaridka ee golaha wakiilada ee ka biyo diiday faro gelinta xukuumadda.

Ergayga gaarka ah ee qaramadda Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa war-saxaafadeed qoraal ah oo uu soo saaray todobaadkan aynu ku jirno, ayaa si toos ah u sheegay walaaca xoogga leh ee ay Qaramadda Midoobay ka qabto, qalalaasaha iyo khilaafka ka dhex aloosan golaha wakiiladda ee Somaliland, iyo dadkii rayidka ahaa ee banaan baxa salmiga ah ku muujiyay sida ay uga soo hor jeedaan arrintan ee dhimashada iyo dhaawaca ay u geysteen ciidamadda amaanku.

Madaxwayne Siilaanyo

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS