haatuf.net
“Guri baa loo dhisay baa la yidhaahdaa, Bal Aniga Dhulkayga Ay Dawladdu Igala Wareegtay Iiga Soo Celiya”Faysal Cali Waraabe
November 18, 2014 - Written by Admin Two

Hargeysa, November 18, 2014 (Haatuf) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe,ayaa beeniyay warar sheegayay in Xukumaddu Guri ay ku laaluushtay u dhisayso.waxa uu sheegay in Dhul uu lahaa Xukumaddu wali ka haysato.

“Guri baa loo dhisay baa la yidhaahdaa,Guriga anaaba u baahane, horta dhulkaygii Dawladdu igala wareegtay Ergo ahaan maydun iigaga soo celin.Maalinta aan dhulkayga helana, Saxaafaddaan ka sheegi oo waxaan odhan dhulkaygii waan helaye ii soo dhisa.markaa Nin guri iyo waxaas u jeeda ma ahiye Nin Qaran dhisaya ayaan ahay. Intaas ayaan Siyaasadda ku soo jiray oo Guri anigu ma lihi,Gaadhi Ma lihi, waxaan ahay Ninka qudha ee Siyaasi ah ee aan 10 Dollar dalka ka soo galin”ayuu ugu jawaabay Faysal Wariyeyaasha oo waydiiyay inuu jiro Guri Xukumaddu u dhisayso Eng Faysal.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa la isla dhex marayay warar sheegaya in Hogaanka Ucid Xukumaddu gacan saar la yeelatay, balse hadalka Faysal ayaa u muuqda mid wali ka daba jooga Xukumadda Dhul uu lahaa oo Maamulka Madaarku kala wareegay wakhtigii la samaynayay Xayn daabka Madaarka.Faysal Cali Waraabe

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS