haatuf.net
Musharaxa Madaxwaynaha UCID Oo Socdaal Ku Maraya Goboladda Dalka Maraykanka Iyo Nuxurka Arrimaha Uu Xambaarsan Yahay
November 18, 2014 - Written by Admin Two

Boston, medicine November 18, pills 2014 (Haatuf) – Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa waxa uu safar ku maraya dalka  mareykanka, price order waxaanu kulamo kala duwan la qaadan doona jaaliyadaha reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Maraykanka,gaar ahaan taageerayaasha Xisbiga UCID.

Sida uu Haatuf u xaqiijiyey Xoghaye ku xigeenka Warfaafinta Xisbiga UCID Mustafe Axmed Sheekh Cismaan.

Musharaxa Madaxwaynaha xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo safarkiisa dalka Maraykanka ka soo bilaabay Magaalada Boston, ayaa gobollada qaarkood safar ku gaalaa bixin doona,waxana meelaha sida weyn looga sugayo ku jirta Minnesota oo ah gobolka ay ku nool yihiin Soomaalida ugu baddan gaar ahaan dad baddan oo reer Somaliland ah.

Taageerayaasha Xisbiga UCID ee halkaas ku nool ayaa si weyn ugu diyaar-garoobay inay qaabilaan Weftiga Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen uu hoggaaminayo, waxaana xubnaha wehelinaya ka mida Mustafe Axmed Sh. Cismaan oo ah Xoghaye ku xigeenka Warfaafinta Xisbiga UCID iyo weliba guddoomiyayaasha Xisbiga UCID ee Gobollada kala duwan ee dalka Maraykanka.

Jamaal-Cali-Xuseen

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS