haatuf.net
Wasiir Cukuse Oo Laalay Sharciyada Hay’addo Warbaahineed, Kuwo Kalena U Warmo-Tumanaya
November 19, 2014 - Written by Admin Two

Hargaysa, asthma November 18, click 2014 (Haatuf) – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa xannibay Warbaahin Sharci ah oo hore loo sharciyeeyey isla markaana wakhtiyo kala duwan ka hawlgeli jiray Somaliland, waxaanu u warmo-tuntay xidhitaanka Hay’ado Warbaahineed oo hadda si toosa dalka uga hawlgala.

Wasiir Cukuse, ayaa shir Jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa Magaalada Hargeysa, waxa uu ku sheegay inay wasaarad ahaan dhammaan kansaleen liisammada hay’adaha warbaahineed ee hore sharciga loo siiyey, balse aan wakhtigan shaqaynin Xafiisyadoodi ama Wargeysyada aan ka soo bixin dalka ee sharciyadooda Jeebadaha lagu sito sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, wasiirka warfaafintu waxa uu cashuur ku soo rogay liisamada hay’adaha warbaahineed ee dalka ka shaqeeya ee sida TV-yada iyo Wargeysyada ka soo baxa Hargeysa oo dhawr iyo toban tiradoodu gaadhayso. waxaanu sheegay inay sameeyeen xeer iyo guddi anshax-marineed oo anshax-marin doonta Weriyeyaasha iyo warbaahinta ay ka hawlgalaan marka ay qalad ku kacaan sida uu sheegay, qaladkaas oo noqon kara wax kasta oo ay dawladdu dhibsato ama aanay raalli ka ahayn faafintiisa xaqiiqo kasta iyo dheelli-tir walba oo la waafajiyo.

Sidaas waxa qaba ama aamminsan weriyeyaal kala duwan oo ka tirsan warbaahinta madaxa-bannaan oo u arka qorshahan Cukuse dabin xukuumaddu damacsan tahay inay ku ugaadhsato saxaafadda madaxa-bannaan, isla markaana hay’ado warbaahineed oo badan albaabbada u laabto sida ay horeba albaabbada ugu laabtay wargeysyada Hubaal iyo Haatuf oo weli xayiran sidii ay bilawgii sannadkan u xayirtay, xarumohoodii Hargeysa-na ay ciidammo u haystaan ay xukuumaddu geysay.Source: Hadhwanaagnews.Cukuse

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS