haatuf.net
Siilaanyo Xukuumaddii Wuxuu Ka Dhigay Meherad Ganacsi Oo Caa’iladiisu Leedahay (Family Business): Haatuf Staff Writer
November 19, 2014 - Written by Admin Two

Axmed Siilaanyo reer Somaliland waxay u doorteen Madaxwayne. Laakiin isagu iskuma haysto inuu madaxwayne u yahay dalka iyo dadka oo dhanba. waxa taas u daliila ficiladii iyo dhaqamadii laga arkay madadii uu xilka hayey.

Afarta sanadood iyo jarjarka uu dalka xukumayey, look Siilaanyo wuxuu dawladdnimadii ka dhigay sidii ganacsi oo caa’iladiisu leedahay (Family Business).

Waxaynu ognahay oo xaqiiqo ah in cidda ay wasiiradda, cheap taliyeyaasha ciidamadda, masuuliyiinta kale ee xukuumadda iyo labadda Kornayl ee Kulmiye ay dhamaantooda ka amarqaataan ay tahay Aamina Waris ama haddii iyada la waayo Baasha Cawil.

Waxa soo raaca adeegayaal sarre oo ay ka mid yihiin wasiir Maxamuud Xaashi, xildhibaan Cali Mareexaan, wasiir Xuseen Waji-xun, wasiir Xirsi, wasiir Samsam Cabdi iyo wasiir Cali Warancade, kuwaas oo u kala sareeya siday magacyadoodu qormadeenan ugu kala horeeyaan oo ah siday ugu kala dhaw yihiin dhagta Aamina-Waris.

Haddaba halkay iska seegan yihiin dadka iyo ninkii ay madaxwaynaha u doorteen waxa weeyaan dadkii oo Siilaanyo wali madaxwayne u haysta oon ogayn inay jirto cid kale oo meesha ka talisa iyo caa’iladiisii oo dawladnimadii ay dadku amaanadda ugu dhiibteen Siilaanyo u haysta maqaaxi ay qabsadeen oo iyaga kalidood u shidan.

Cidkasta oo xukuumadda dhaliisha ama soo hadal-qaadda dawladnimadan dhacantay waxay caa’iladu u aragtaa cadaw ku soo duulay, waxaanay markiiba ku qaadaan dagaal qaawan oo loo adeegsanayo magacii iyo awoodihii ay lahayd dawladdii bulshadda ka dhaxaysay oo dhami.

Waxa markasta mudnaanta la siinayaa danaha gaarka ah ee caa’iladda taas oo markasta loo sad-qaynayo maslaxadihii guud ee ummadda iyo xuquuqdii muwaadiniinta, dhacdooyinka u danbeeyey ee ka mara-kacaya arrintan waxaynu tusaale ahaan usoo qaadan karnaa dagaalka xin iyo xaasidka ah ee caa’iladu ku qaaday HCTV, Haatuf, (Somaliland Times) iyo Hubaal oo dhamaantooda ah meherado warbaahineed oo ay leeyihiin, kana shaqeeyaan muwaadiniin reer Somaliland ahi. Waxa taas barbar-taala soo dhawaynta ay caa’iladu ku faanayso ee ay u fidisay Universal Tv oo ah hay’ad-warbaahineed oo uu leeyahay ganacsade reer Somalia ahi.

Waxay caa’iladu sidaas u yeelaysaa waa ku xumaynta mulkiilayaasha iyo shaqaalaha HCTV iyo saddexda wargeys ee wali xidhan. Muwaadinimo iyo waddanimo ay xeerinayaan ma jirto, waxay waliba ina tusayaan in xukuumadu tahay meherad ay gaar u leeyihiin oo cid wax ka sheegta daayoo cidda u guulwadayn-wayda naaraha laga waraabinayo.

Caqliyadda caynkaas u fikiraysa ee boobka hantidda ummadda iyo la dagaalanka xoriyatul-qawlka ku mamtay ayey taladii  iyo awoodii dalku u gacan-gashay. Kuwa hadda talada haya iyo kuwa u bo’aya inay bedelaanba waxay labaduba raali ka yihiin in sidan hadda uu xaalku hayahay (status-quo)  lagu sii socdo.

Hadaba garanay in loo baahan yahay in caa’iladdan xukunka laga tuuro, laakiin waxaynaan wali garan sidii aynu uga tabaabushaysan lahayn in cidda aynu ku badalaynaa iyo cidkasta oo ka dambaysa mustaqbalka aanay sidan oo kale taladda wadanka u marroorsan abid. Xalku halkaas ayuu ku jirraa waxase loo baahan in taladeeda layskugu yimaado si aynu xal ugu helno dhibaatooyinka dawladnimada iyo is-xukunka ee marwalba inagu soo noqnoqonaya (Governance).

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS