haatuf.net
“Madaxwaynuhu Musharax Maaha,Una Quudhi Maayo Ragii Shalayto Dhisay Inuu Maanta Dhiso Madaxwayne Siilaanyo, Tolkay Waxaan Leeyahay Nafihiina Kala Bad-Baadiya”Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble
November 19, 2014 - Written by Admin Two

Hargaysa, cheap November 19, generic 2014 (Haatuf) – Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiiladda ee ka soo baxay xisbiga Kulmiye, ask balse imika ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa Madaxwayne Siilaanyo ku eedeeyey inuu u quudhi waayey siyaasiyiintii la soo halgantay ee xisbiga Kulmiye ka mid ahayd mudada dheer ee damacooda siyaasiga ah inay muujiyaan oo ay iska sharaxaan xisbul-xaakimka.

Xildhibaan Siciid Cilmi waxa uu u sheegay bulshadda Somaliland ee codkooda siiyey doorashadii 2010-kii iyo siyaasiyiinta ka tirsan xisbiga Kulmiye-ba inay haan daba-la’ dhaaminayaan oo ay farta dhexda ka qanniini doonaan haddii ay mar kale Madaxwayne Siilaanyo taageeraan, kaas oo shaki ka muujiyey inay doorasho dalka ka qabsoonto.  Isagoo arrimahaasi ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan aad iyo aad uga xumay,jah-wareerka uu shacabkii reer Somaliland ku ridayo xisbiga Kulmiye iyo xukuumadiisu,waxa ilaa maantana la-layahay musharaxii madaxwayne ee xisbiga Kulmiye,waxaana muuqata rag badan oo naawilaayay in ay iska sharaxaan xisbigaasi ay la-yihiin jidkii ay u mari lahaayeen in ay muujiyaan hankood.

Waxaaan shacabiga usoo bandhig kari wayeen xaqiiqda  muuqata oo ah in madaxwaynaha walaac kaga jiro musharaxnimadiisa danbe,afkana waa laga dhawrayaa madaxwaynahuna musharax maaha,una quudhi maayo ragii shalayto dhisay inuu maantana dhiso Madaxwayne Siilaanyo.

Dhaxalkuna waa dariiqii UDUB inuu Kulmiye ku danbeeyo waxaan arkayaa iyada oo marba nin loo dhiibayo foosto labada dhinacba ka daloosha oo la leeyahay adigaa musharax noqonaya, waxaan tolkay leeyahay, tolkayoo cadka marba dhariga laga soo saarayo ee hadan lagu celinayo waxa uu u muuqdaa walaacsi iyo waxaan la lahayn ee kala bad-baadsha nafihiin.

Tolkayoow waxaan idin xasuusinayaa in cimriga xisbiga kulmiye ku eeg yahay shanta sane ee soo socota, waa hadii uu sii jiraba, ta kasii danbaysana musharax nimada madaxwaynaha waxa ka soo hor maraysa furitaankii ururada hadii eebo idmo.

Waxaan arkayaa jidka aan hada anigu qaaday inuu yahay kii qaranka Jamuuriyada Somaliland iyo anaguba ku faa’idi lahayn”.Source:Hadhwanaagnews.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS