haatuf.net
Shirkadda Indha-Deero Oo Lagu Xukumay Inay 4 Cisho Ku Bixiso Khasaarihii Maxjarka 3-Aad Ee Berbera Oo Maleeshiyo Beeleed Taabacsani Dhawaan Burburisay
November 19, 2014 - Written by Admin Two

Hargeysa, price November 19, medstore 2014 (Haatuf) – Maxkamadda Shareecada Islaamka ah ee ay ku bahoobeen Culimada waaweyn ee Somaliland ayaa xukun ka soo saartay khilaafka ka taagnaa maxjarka saddexaad ee Berbera, advice waxaanay ku dhawaaqday in aanay Abu-yaasir iyo Ilma Indhadeero toona shaqo ku lahayn Maxjarkaasi, iyadoo u xukuntay inay ganacsatada kale ee dhisanaysay leedahay biraha qalabka ay ku muransanaayeen labada shirkadood.

Xukunka maxkamadda oo qaatay afar cisho oo kali ah waxa shalay lagaga dhawaaqay kulan dhinacyada maxjarka isku hayey loogu qabtay wasaaradda xanaanada xoolaha somaliland, halkaas oo ay ku sugnaayeen raxan wasiiro ah iyo madax dhaqameed goob joog ka ahaa.

Inkasta oo aanaan helin nuqulka rasmiga ah ee ay maxkamaddu ku soo saartay xukunkeeda, hadana sida ay ilo wareedyo goob joog ahi xaqiijiyeen waxay maxkamaddu go’aamisay in qalabka la isku haystay ee ay ku doodayeen shirkadaha deero iyo abu-yaasir ay iska leeyihiin ganacsatada lagu haystay, kuwaas oo ay maxkamaddu sheegtay inay keeneen cadeymihii ay ku soo ibsadeen.

sidoo kale, waxay maxkamaddu ku xukuntay shirkadda deero inay bixiyaan khasaarihii ay u gaysteen maxjarkaasi, kaasi oo ay gnacsatada loo xukumay ku doodayso in khaMaxjarka la dumiyeysaaraha loo geystay uu gaadhayo illaa soddon kun oo doolar.

Labada dhinac ayey maxkamaddu kala siisay go’aanka ay ka sugayeen, wxaaanay xukuumadda u gudbiyeen nuqul ka mid ah xukunkaasi si ay xukuumaddu ugu kala fuliso labada dhinac.

wasiirada arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancade, madaxtooyadda Xirsi Cali X Xasan, Maxamuud Xaashi Cabdi iyo xanaanada xoolaha ayaa goob joog ka ahaa ku dhawaaqista xukunkan.

Illaa hada ma cada talaabada ay xukuumaddu ka qaadan doonto cida lagu fulinayo xukunkan maadaama ay ganacsatada loo xukumay xukuumadda ku eedaysay in aanay usoo qaban kooxdii ka danbaysay dhibaatadii iyo weerarkii loo geystay maxjarkooda.

Xukunkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee ay xukuumadda Somaliland ku furdaamisay kiis caynkan oo kale ah oo caqabad ku ahaa maamulkeeda, waxaana looga fadhiyaa maadaama ay dan u aragtay in shareecada in lagu kala baxaa xalka ugu weyn tahay in ay kuwa kalena sidan oo kale isaga furdaamiso oo ay u dirto maxkamadaha shareecadda.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS