haatuf.net
Jaamac Shabeel Oo Saleebaan Gaal Iyo C/Raxmaan Cirro Ku Eedeeyey Inay Carqaladaynayaan Doorashadda
November 20, 2014 - Written by Admin Two

Hargeysa, generic November 20, and 2014 (Haatuf) – Gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga talada haya ee Kulmiye Jaamac Shabeel, pills ayaa labadda shirgudoon ee Guurtida iyo Wakiiladda Somaliland ku eedeeyay inay caqabadaynayaan doorashadda, kaas oo sheegay inay ku hawlan yihiin qorshe dib loogu ridayo doraashooyinka oo madaxwayne Siilaanyo muddo kordhin ku helayo.

Jaamac Shabeel waxa uu labada shirgudoon ku eedeeyay inay shuraako ku yihiin inay lumiyaan wakhtigii Arimaha doorashada la diyaarin lahaa. waxa uu muranada Xeerka Diwaangalinta iyo ka haatan golaha wakiilada ka taagan ku macneeyay muddo korodhsi looga dan leeyahay.

Jaamac Shabeel oo ugu horayn ka jawaabaya eedaha ah in xukuumadda iyo xisbigeedu doorashada dib  u dhigayaan ayaa yidhi “Eedaymahaasi waa waxaan waxba ka jirin marka hore.Waxaanu diyaar u nahay in doorashadu wakhtigeedii ku dhacdo.doorashadan shaki badani nagagama jiro anaga oo waxaad dib u dhigtaa ama korodhsi ka fikirtaa marka ay cidi kugu daba tumayso laakiin anagu inaanu doorashada helayno haddii ay dhacdo boqolkiiba boqol waanu ku kalsoonay”.

Jaamac Shabeel oo hadalkiisa sii wataa wuxuu Eedeeyay Baarlamaanka “Anaga oo helayna Shan sano oo dambe, maxaanu ku falaynaa laba sano oo korodhsiimo ah oo silcis ah, laakiin, Cilad kale ayaa meesha ku jirta, taas baanan doonayaa inaan caddeeyo, Qoladan Baarlamaanka la yidhaahdo waxay heshiis ku yihiin,labada Gole,Gudoomiyeyaashooda iyo kuli waxay heshiis ku yihiin Wakhti Lumis,Korodhsiimada halka laga wadaana waa halkaas, cida doonaysaana waa halkaas.

Waxyaabaha lala yaabay waxaa ka mid ah, bal kuwan kale(Guurtida) iyagu doorashaba gali maayaane, Gudoomiyaha Golaha wakiilada oo ah Gudoomiyaha Waddani oo leh tartanka ayaan galayaa wuxuu qayb ka yahay wakhti lumista iyo Jaahwareerka umadda la galinayo, waxaanan filayaa inuu Mudo korodhsiga isagu doonayo isagoo kursiga Baarlamaanka isagu sii jeclaysanayo”

Gudoomiyaha Golaha dhexe ee Kulmiye waxa uu sheegay in Hakinta Xeerka Diwaangalintu ahayd markii u horaysay ee Guurtidu tidhaa Xeer aan ahayn kii Wakiiladu ansixiyeen ayaa naloo soo gudbiyay islamarkaana Gudoomiye Cirro aanu muranka sixin ee uu sii xoojiyay kuna adkaystay inuu xeerka saxda ah u gudbiyay.

“Wakhtiga ciday ahayd inay Ilaashato Gudoomiye Cirro ayay ahayd, illayn kuwan kale wakhti ka dhici maayee laakiin, way muuqataa inay shuraako ku yihiin wakhti luminta.imika waxay ina marinayaan Labadii Gole, Shirgudoonadoodii, Xubnahoodii inay shuraako ku yihiin wakhti lumis oo ay wadaan Xil ka xayuubin.haddii ay diyaar u yihiin Doorasho 5 Bilood baa haydhaba ee maxay ula jeedaan.Xeer baynu maraynaye halkaas baa la inala marayaa, haddii Guurtida iyo Wakiiladu aanay waxan Shuraako ku ahayn Guurtidu awood bay u leedahay inay siday doonayso ka dhigto xeerka,haddii si rasmi ah ay ugu celiyaan Golaha wakiiladana bari hore ayay dhamaan lahayd waxani”ayuu yidhi Jaamac Shabeel.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS