haatuf.net
Dhurwaa Qoorta Ku Sitay Tusbax Muqumad Xoolaad Ka Samaysan Oo Salaad Tukiyey Ido; W/Q: Muj. Cali Cismaan Libaax (Cali-Xaraaro)
November 20, 2014 - Written by Admin Two

Xilli barwaaqo ah oo tigaadda aad yaabayso ayaa Adhi fara badan oo si fiican u daaqaya waxa kusoo baxay dhurwaa tukanaya salaad casar,  ka dibna adhigii ayaa is eegey oo yaabay,  dabeeto qoor madowdii [Idihii] ayaa geesleydii [ri’yihii] ku yidhi ‘Innaguna aynu salaadaa casar ee dhurwaagu tukanayo ku xidhano’, kadib ri’yihii ayaa ku gacan saydhay dalabkii idaha, kute ‘hadduu tukanayo iyo haddii kaleba annagu dhurwaaga salad ku xidhan maynee idinku orda ku xidha”.

Intaas  markay ri’yuhu yidhaahdeen ayay iska dhaqaaqeen iyaga oo u jeestay dhinacii keyntu ka xigtay, Idihiina dhurwaagii ayay salaadii ku xidheen.

Kadib Maxaa Dhacay!!!?

Markii Dhurwaagii dhammaystay salaadii ayuu u soo jeestay idihii ku daba tukanayay, waxaanu u sheegay in alle ka soo hadeeyey dhiigii iyo xoolihii uu ku mamay kuye; “Waa arkaysaan illaahay ayaa iga soo haddeeyey xumaantii aan samayn jirey, dhiig iyo xoolo dambe oo aan cunona igu maqli maysaan, una sheega cida kale ee aad aragtaan”.

Intaasi markay dhacday idihii ayaa uu u  kaceen kayntii riyuhu joogeen halkaasna way kuwada hadleen idihii ayaa yidhi “dhurwaagi si fiican ayuu noo tukiyey waanu noo duceeyey waxaanu nagu yidhi sidaa aad igu arkaysaan ayaa iga dhab ah. Intaas ka dibna Waxa ay ri’yihii Su’aalo ku suntan arrintan isu daba geliyeen Idihii, waxaanay ugu horeynba weydiiyeen su’aashan oo jawaabteeda laysla dhaafi waayay; orgi yar ayaa yidhi:Dhurwaagu miyuu sitey tusbax?

Neyl yar ayaa ka jawaabtay oo tidhi: “Haa, wuu sitey waxaanu tusbaxu ka samaysnaa muqumad aan u malaynayo hilib xoolaad”.

Mar qudha ayaa la wada yaabay oo beentii dhurwaagu fashilantay waxaan uga socdaa xaalka Axmed Siilaanyo halkuu maanta marayo sidaa dhurwaaga ayuu salaad beena tukadey tusbaxiisuna uu ka samaysnaa muqumada dad weyna reer somali land waase lawada ogaadey.

W/Q: Muj. Cali Cismaan Libaax (Cali-Xaraaro)

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS