haatuf.net
Go’aanka Ergada Guurtida, Natiijada Kulamadii Xalay Ee Madaxtooyada, Wer-Werka Mucaaridka Iyo Walaaca Muxaafidka
November 21, 2014 - Written by Admin Two

Su’aalihii Xaaji Cabdi-waraabe ee Faro-gelinta Golaha Iyo Difaacii Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa, ed November 21, therapy 2014 (Haatuf) – Ergada Guurtida ee ku hawlan dhexdhexaadinta dhinacyada isku haya Khilaafka Sabtida Toddobaadkan ka dhex-qarxay Guddoomiyaha Goalaha iyo Xildhibaanada Mucaaridka oo isku gees ah iyo Mudaneyaasha Golaha ee ku abtirsada Xisbul-xaakimka oo garabsanaya Xukuumada, ayaa xalay Qasriga Madaxtooyada ku soo khatimay kulamadii ay la yeesheen labada garab loolanku ka dhexeeyay iyo dhinacyada kale ee faraha ku jiray kala-qaybsanaanta Golahaas, iyadoo sidoo kalena la filayo in xubnaha ergadu maantana oo Jimce ah ku dhawaaqaan Natiijada go’aankooda.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay ergadan Guurtida oo howsha dhexdhexaadinta guda-gashay Sabtidii la soo dhaafay markii ay rabshaduhu ka dhasheen talaabadii Xukuumaddu Ciidanka ku dul-dhigtay Xarunta Golaha, wakhti dheeraad ahna ku darsaday muddadii ay qabsadeen bilowgii hore. Hase-ahaatee sida uu Wargeyska Yool ka soo xigtay ilo-wareedyo xogogaal ah, kulankan Xalay ayaa ergadu waxay Madaxweyne Siilaanyo iyo xubno ka mid ah Golihiisa Xukuumadda kaga wareysteen asbaabihii keenay in Ciidanka la dul-dhoobo Xarunta Golaha, xadhigii Xildhibaanada, rabshadihii khasaaraha geystay ee arrinta khilaafka ku sal-lahaa iyo doorka Maamul ee ay hay’adda Xukuumaddu ku lahaayeen arrimaas oo dhan

Ilo-wareedyadu si faahfaahsan umay iftiimin mawqifka Madaxweyne Siilaanyo ka istaagay ku lug-lahaanshiyaha Xadhigii Xildhibaanada, amarkii Ciidamadu kula wareegeen Xarunta Golaha Wakiilada iyo guud ahaan Sooyaalka Khilaafka Wakiillada ilaa markii uu qarxay ama uu ficilka isu bedelay bilowgii toddobaadkii dhaamaday, hase ahaatee sida iluhu tibaaxeen Madaxweynuhu Su’aalahaa kama bixin jawaabo qiraal ah. Geesta kale, sida ay xuseen Ilo-wareedyada Wargeyska Yool helay, Ergada Guurtida, ayaa lagu wadaa in Jimcamaha Maanta ay Madal ka baxsan Goleyaasha Baarlamanka oo ay goob-joog ka yihiin labada dhinac ama ka maqan yihiinba kaga dhawaaqaan go’aamo ay ku soo af-jarayaan Xiisadaha golaha Wakiillada, maadaama ay Sabtida Berri ku beegan tahay wakhtigii ay mar labaad u cayimeen furitaanka Fadhigii baaqday Sabtidii hore ee Wakiilladu.

Wararka amuurtan la xidhiidha qaarkood ayaa lagu sheegay in wakhtiga kama dambeysta ee ergada Guurtidu shaacinayaan go’aamadooda uu noqon doono Sabti burrito oo ay kaga dhawaaqayaan furitaanka Fadhiga golaha labada dhinac hortooda, sidii ay horaantii Sanadka khilaafkii wax-ka-bedelka Xeer-hoosaadka golahaas ka dhashay ugu yeedhiyeen fadhi caadi ah.

Ilaa hada Ma jirto cid aan ahayn xubnaha Ergada oo si dhab u og go’aamada Miiska saaran ee ay ku dhawaaqayso ergadu, hase-yeeshee waxa laga dareen qabaa inay qaraarka ku jiri doonaan qodobo aan ka farxin labada dhinac ee muranku ka dhexeeyo oo ay Wadnaha farta kaga hayaan in lagu kediyo, kuwaasoo qolo walba gaarkeeda saamayn ugu leh danihii iyo ujeedooyinkii sababay hirdanka labada dhinac.

Tusaale ahaan Guddoomiye Cirro iyo Mudaneyaasha ay isku mawqifka yihiin, ayaan u riyaaqi doonin hadii ay ergada Guurtidu qarraarkooda ku soo jeediyaan in Golaha wakiillada dib loogu soo celiyo Xeerka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyayaasha, ka hor intaan la hor-dhigin Mudaneyaasha Golaha Guurtida, taasoo hadii ay dhacdo uga baqo qabaan inay xukuumaddu fursad u hesho in lagu daro qodobo gogol-xaadh u noqon kara muddo kordhin, hadiiba uu yimaado dib-u-dhac doorasho, si ay badbaado eedda, uguna moosto Guddoomiyaha Wakiillada iyo xildhibaanada mucaaridka, iyadoo maanka haysa inay laba arrin dartoodba ku heli karto aqlabiyada Golaha hadii xeerku soo noqdo, kuwaasoo kala ah:- Kalsoonida ay ka qabto Xildhibaanada Xisbul Xaakimka iyo tan kale oo ah, muddo kordhinta Kordhinta loo sii dariiq-xaadhayo oo aan ku koobnayn Xukuumadda oo qudha, balse Golaha Wakiillada-na wakhti dherersi kale siinaysa, maadaama oo ay labada doorasho isa-saaran yihiin ama isku mar la qabanayo, sida xeerka ku xusan.

Xildhibaanada Muxaafidka, ayaa geestooda ka wer-wersan in duqeyda Guurtidu ku taliso in Xeerka muranka dhaliyay uu u gudbo Golaha Guurtida, iyadoo aan dib loogu celin Golehooda, isla markaana uu maro jaran-jarada saxda ah ee ay labada aqal isu waydaarsadaan Shuruucda, taasoo iyaduna caqabad weyn ku ah qorshaha ay xukuumadda wada wataan ee Loolanka ku dhalisay.Source:Yool.

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS