haatuf.net
Taliyaha Booliiska Oo Caawa Xabsiga U Taxaabay Dhalinyar Ciyoortoy Ah Oo Degan Xaafada Liinka Bilayska Iyo Dareeno Ka Dhashay
November 21, 2014 - Written by Admin Two

Hargeysa, anabolics November 21, 2014 (Haatuf) kooxda kubadda cagta ee magacoodu yahay Tigers islamarkaana katirsan dhalinyarada degan xaafadda Liinka Booliska ee magaaladda Hargeysa oo muddo dhawr cisho ah safar ciyaareed ugu maqnayd magaaladda Burco ee gobolka Tog-dheer ayaa caawa goor-dhaweyd maray soo gelayeen magaaladda Hargeysa loo taxaabay saldhiga Macalin haaruun ee kuyaal Bariga magaaladda Hargeysa.

Dhalinyaradan ka timid safarka kubadda ah oo triradoodu gaadhayso 20 ciyaartooy oo dhalinyar ah ayaa la sheegay in ammarka xadhigooda uu bixiyay taliyaha ciidanka booliska gaashaanle sare Cabdilaahi Fadal Iimaan,kaas oo la sheegay inuu ka shaki qabo in dhaliyaradani ay rabshad iyo kacdoon ka samayso dhulkii Liinka booliska ee shalay rabshaduhu ka dhaceen,islamarkaana uu taliyuhu xal u arkay xadhigooda.

Ilaa hadda ma jiraan warar rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka booliska,oo la xidhiidha xadhiga dhalinyaradaas,balse sida ay ku waramayaan qaar kamid ah ehelada iyo qoysaska dhalinyaradaas ayaa waxay sheegeen in xadhiga dhalinyaradan uu ammaray taliyaha ciidanka boliiska.taliye-fadal1

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS