haatuf.net
“Zamzam Ahaan Aniga Dabeecadaydu, Qof Gef Igu Sameeyey Saamax Iyo Ka Aargooso Labadaba Wey Noqon Kartaa”Wasiirka Waxbarashadda
November 22, 2014 - Written by Admin Two

Hargeysa, prostate November 22, anabolics 2014  (Haatuf) – Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa sheegtay in dawladda Itoobiya aqbashay inay Deeqo Waxbarasho kala duwan sannad walba siiyaan Ardayda Somaliland, isla markaana xilliga ay bilaabmayso jawaabteeda ka sugayaan.

Marwo Samsam oo wareysi gaar ah Xafiiskeeda uu kula yeeshay Weriye Maxamuud Walaaleeye oo ka tirsan Wargeyska Himilo, waxay ku sheegtay in Ganacsiga magaalada Wajaale ka socda awgeed badi Ardaydii Iskuulladu ku dhexmilmeen, isla markaana waalidkooda iyo Maamulka kala hadashay sidii Ardaydu uga xaadiri lahayd Waxbarashadooda Iskuullada, ballan adag ku kala yimaaddeen.

Wareysigan oo dhinacyo badan taabanaya ayey ku sheegtay inay aasaaskeedii wadaan xarun noqon doonta Akadeemiga Cilmiga, Fanka, Suugaanta iyo Sayniska oo dhismaheediina Madaxweyne Siilaanyo amray halka uu noqonayo, waxaanu Waraysigaasi u dhacan sidan:-

S: Wasiir muxuu ku saabsanaa Safar aad dhawaan ku tagtay Gebilay, oo ujeeddooyin kala duwan loo fasirtay?

Samsa,J: Safarkaasi dhinacyo badan ayuu ku saabsaa, kana mid ahayd Hool weyn oo Jaamacadda Gebilay aannu u dhisay oo dakhli soo saar u noqonaya, maaddaama Xaflad lagu qaban karo, sidoo kale waxaan Iskuulka sare ee Qalax oo Ardaydii ku badatay, dhisme labaadna ku darnay ayaan Maamulihii oo labada Iskuul masuul ka ah gaadhi yar u iibinnay.

Waxaan sidoo kale tegay magaalada Wajaale oo dhul laga dhisayey Iskuul ay dadweyne iska qabsadeen, lana kala iibsaday maaddaama oo uu faras-magaaladii noqday inaan xal ka soo gaadhno, isla markaana Maamulkii degmada iyo Waalidiintii waxaan kala soo hadalnay sidii Ardaydooda loogu diri lahaa Iskuullada, iyadoo aan maqlay inay badankoodii ganacsiga magaalada iska dhexgaleen, ballan fiicanna waannu ku kala nimi Waalidiintii iyo Maamulkii. Waxaan dhinaca kale magaalada Gebilay kaga qeybgallay tartan Ciyaareed Wasaaradda Waxbarashadu qabanqaabisay oo lagu xusayey Allaah ha u naxariistee Cali-Maarshaal, qalabkaan u diyaarinayna ku wareejinnay dhalinyarada ciyaaraysay.

S: Wasiir dhawaan waxaad sheegteen inaad qiimayn ku samaynaysaan Jaamacado badan oo dalka ku yaal, halkee ayey ku dambaysay qiimayntaasi?

J: Waa la wadaa qiimayntii Jaamacadaha. MushkilaDda naga haysata Jaamacadaha waa qaar intaan Xukuumaddani xilka qaban la wada diiwaangeliyey, Ardayna dhigtaan qaarna hore uga baxeen, markaa, waxay u baahan yihiin ka fiirsasho badan. Guddiga loo sameeyey ma ahayn inuu baadhitaan ku sameeyo waxa ka dhiman oo dabadeedna la xidho, balse in la hagaajiyo tayadooda, dhawrkaa sannadoodna hawshii way socotaa, mid walba wixii ka dhiman ayaa loo sheegaa inay buuxiyaan, guud ahaan dalka oo dhan ayey socdaallo ku soo mareen Komishanka Tacliinta sare, illaa wakhtigan Jaamacad keliya ayaa la xidhay Fairland la yidhaahdo, shaqadiina welli way socotaa.

 

S: Hore waxaad u shaaciseen inaad joojiseen in Jaamacado cusub la furo, dhawaanna Hargeysa waxa laga furay Jaamacado cusub, maxaa iska beddelay go’aankiinnaa hore Wasaarad ahaan?

J: Jaamacaddaasi oggolaanshaheeda iyo dhulkii laga dhisi lahaaba hore ayey u haysatay oo Madaxweynahii hore Daahir Rayaale ayaa siiyey, intaanan xilka Wasaaraddan qaban. Markaan soo fadhiistay Xafiiskan isagoo hawsha Jaamacada iyo dhul dan guuda oo la siiyey haysta Dr. Bulxan, ayaa waxa haddana ku dhacday in dhulkii dib uga iibiyaan dadkii, annagu markaa Jaamacaddaa hawsheedii u dhammaayeen inaannu taageerno mooyee, ma joojinayno sharcigaa ay hore u haysteen ee Xukuumaddii hore siisay qofkii haysta ama Dr. Bulxan ha ahaado ama qof kale, waan tixgelinaynaa.

S: Manhajka Waxbarashada Xukuumadd ayaa dejisa, maxaa sababay in Dugsiyada gaarka loo leeyahay mid walba Manhaj gaar ah dhigo, sidoo kalena Dugsiyada gaarka loo leeyahay sidii Dukaamada nin kastaa iska furto?

J: Manhaj gaar ah uma dhigaan, dhawr Iskuul mooyee, intooda badani waxay dhigaan Manhajka Wasaaraddu dejisay. Ilmaha Somaliland wax ka baranaya ee mustaqbalka inuu madax ka noqdo doonaya waa inuu Manhajka Wasaaradda Waxbarashadu dejisay qaataa. Dhawr Iskuul oo aannu ugu nimi iyagoo Manaahij kale u dhiga Ardayda ayaa jira, annaguna aannan shahaadadahooda tixgelin, oo heshiisyadii hore ee lala galay ahaa, inkastoo qaarkood imika naga dalbanayaan inay qaataan Manhajka Wasaaradda, maaddaama ay arkeen sida Shahaadadii Somaliland waxtarkeedu u muuqato. Dhinaca kale Dukaamada aad sheegayso inay noqdeen, maahee baahi ayaa jirta. Immika Iskuullada Dugsiyada sare haddaan ku geeyo mid walba fasallo cusub ayaan ku kordhinnay, way wada buuxaan, baahi waxbarasho ayaa keentay inay Iskuullada gaarka loo leeyahay bataan, haddii Iskuulladii dawladdu buuxsameen xaddigii ay qaadi karayeen, lama odhan karo Ardayga ma tegi kartid kuwa gaarka loo leeyahay.

S: Miisaaniyadda Waxbarashada sannadkii 2013 waxa kharashka Imtixaanaadka ugu jiray saddex boqol oo Milyan, sannadkana hal Bilyan iyo dhawr boqol, maxaa keenay korodhka intaas le’eg Wasiir?

J: Korodhkaa waxaa keenay awal imtixaanaadka kharashkooda waxa bixin jiray Hay’adaha, sida African Educational Trust, Hay’addi dhaqaalahii way weyday, markaa Midowga Yurub ayaan kala hadalnay, waxay sannadkii hore naga bixiyeen boqolkiiba 70%, soddonka soo hadhayna Xukuumadda Somaliland ayaa bixinaysay. Sannadkan Xukuumaddu waxay bixinaysaa boqolkiiba 70%, Midowga Yurubna waxay bixinayaan 30%-kiiba, oo heshiiska aannu ku galnay, weliba 70% ma gaadhayso kharashka Xafiiska imtixaanaadka ugu jirra Miisaaniyadda, waa inaan hay’ado kale weydiisanno qaadhaan, sannadka soo socdana Xukuumada Somaliland gebi ahaanba dusha u ridato kharashka ku baxaya imtixaanaadka, maaddaama hore imtixaanaadkii oo lagu jiro kharashkii laga sugi jiray hay’adda oo taasi habsan keeni jirtay, waxaan go’aansannay inaan la soo wareegno kharashka imtixaanaadka, sidii aannu ula soo wareegnay kharashkii Macallimiinta oo kale.

S: Waxa jira Iskuulo Miisaaniyadi ugu jirto Miisaaniyadda Wasaaradda oo kab la siiyo, sida Dugsiga sare ee Geb, Sacaadadiin iyo Cali Ciise, maxay kaga duwna yihiin Iskuullada kale, sidoo kale Jaamacadaha Sanaag iyo Laascaanood kuma jiraan liiska Jaamacadaha kabku ugu jirro miisaaniyadda Wasaaradda, maxaa ka reebay kuwa kale?

J: Iskuuladdaasi waa kuwo boodhinno ah oo Jaaliyadahu sameeyeen, Iskuul walba codsi ayuu soo qortay, hore Siyaasadda dawladda ma ahayn inay boodhinno samayso, laakiin Iskuullada Boodhinnada dadku sameystaan waxa ka dhiman ee codsiyo u soo qortaan waannu ugu darnaa. Dugsiga Sacaadadiin oo Saylac ku yaal, Geb oo ku yaal agagaarka Fardo-lagu-xdh iyo Cali Ciise oo Hawdka Burco ku yaal, saddexdaa Iskuul ayaa codsi ka yimi inaanay wadi karin, Ardaydiina Boodhin ku jiraan, ka dib waxaan go’aaminnay in saddexdaba kab loogu darro Miisaaniyadda Wasaaradda, laakiin immika Xukuumaddu way bilowday inay dhisto Iskuullo Boodhin ah, oo immikaba waxa socda laba laga kala dhisayo Laascaanood iyo Dayaxa.

 

Dhinaca Jaamacadaha aan kab lahayn sannadkan hore ayaan u siinnay, sannadba qaar ayaa ku jirra, Jaamacadda Laascaanood shan boqol oo kun ayaan sannadihii hore siinnay oo lagu dhisay. Maakhir hore waxba looma siin jirin, laakiin intii Xukuumaddani timi Jaamacadaha aad ayaa loo taageeraa, Jaamacadda Ceerigaabana sannadkii hore ayuu kab ugu jiray, sannadba qaar ayaannu ugu darnaa.

S: Wasiir, Waxa jirta lacag lagu tilmaamay inay gelayso Centre for Arts and Culture, maxaa loogu talo-galay kharashka xaruntaa, xageese laga dhisayaa?

J: Waa xarunta Akadeemiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta, oo Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare lahaan jirtay oo immika la aasaasayo, oo Matxafyada, Laybareeriyada, qeybta dhaqanku hoos imanayso, oo Sayniska lagu daray. Xilligii hore dhaqanka ayey u badnaan jirtay, maaddaama Soomaalidu dhaqanka ku faanto, laakiin waxaan doonaynaa inaan dhaqanka iyo Sayniska labadaba xoojinno, oo laba Madax loo sameeyo, diyaarinteedii waannu wadnaa, magaciina waa loo bixiyey oo Aas-aas ah, gurigii Madaxweynuhu wuu bixiyey oo dhismaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayey noqonaysaa, waxay noqonaysaa Akadeemiayddii Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta oo anigu (Wasiir Samsam) aan ka shaqeyn jiray Xukuumaddii hore ee Soomaaliya, oo qoraayaasha, Gabayaasha, Xirfadlayaasha Sawirka iyo Sayniska cusub daraasado ku samaynaysa oo lagu keydinayo, illaa dawo dhaqameedkeenna la daraaseeyo xaddiga laga qaadan karo cilmiyan.

S: Wasiir Ragga iyo Dumarku waxa la sheegaa inay ku kala duwan yihiin markay falcelin ka samaynayaan dhinaca aargoosiga. Maadama aad tahay qof dumar ah, maxaad isleedahay marka la yidhaahdo wasiir Samsam qof bay isqabteen?

J: Annigu markaan dibedda joogo oo shaqsiyan Samsam ah dabeecadayda qof gef igu sameeyey saamax ama aargooso labada mid way noqon kartaa, Laakiin shaqada kursigan aan fadhiyo ummadaa leh kuma aargoosan karo haduu wax kasta igu sameeyo qofku, waa inaan dulqaad sameeyaa, waayo ka I maagaya kursigan wax buu ku leeyahay, waayo cashuur aqalkiisa laga bixiyo ayaa laga yaabaa inay miisaaniyadda ku jirto oo wax lagu qabanayo, marka way ka reeban tahay. Laakiin Hadaanan ahayn wasiirka waxbarashada, ee Samsam ahay waa laga yaabaa inaan qof iska celiyo wax igu sameeyey, laakiin intaan kursigan ku fadhiyo aargoosi wuu ka reeban yahay, masuul ayaad tahay wax kasta ayaa kugu dhacaya, ha u qaadanin in adiga shaqsiyan laguu jeedo, waxaad u aragtaa keliya wax shaqada la xidhiidha.

S: Itoobiya xidhiidh dhaw ayey wadaagaan Somaliland, gaar ahaan dhinaca Waxbarashada waxa jira Deeqo ay siiyaan Ardayda, ma jiraan xidhiidho Wasaarad ahaan aad yeelateen oo lagaga hadlay sidii sannad walba ay innoo siin lahaayeen Deeqahaa waxbarasho?

J: Wuu jiraan xidhiidh wanaagsan oo noo dhexeeya Wasaaradda Waxbarashada Itoobiya. Casuumad ayey ii soo direen muddo dhaweyd, balse wakhtigii ayaa ii saamixi waayey, waxaanan u diray Wasiiru-dawlaha iyo Agaasimaha guud, waxay kulan yeesheen Wasiirka Waxbarashada Itoobiya, waxaanay soo kala saxeexdeen heshiis is-afgarad sidii sannad walba tiro cayiman oo Deeq waxbarasho kala duwan ah noo siin lahaayeen, weli dhinaca Itoobiya ayaan ka sugaynaa jawaabta xilliga ay bilaabi doonaan, waxaana xidhiidhka ka shaqeysay Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland. Xigasho: Himilomedia.comSamsa-1024x576

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS