Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2078 | June 29, 2009 Rajab 6,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Sheekh Shariif Oo Ku Eedeeyey Xasan Daahir Aweys Inay Dagaalka La Wadaan Saraakiil Eritrean Ah Iyo Madaafiic Lagu Garaacay Degmooyin Ka Tirsan Muqdisho “Xasan Daahir Aweys Waa In Uu Ka Soo Laabto Waddada Khaldan Ee Uu Ku Socdo” Muqdisho, June 28, 2009 (W. Wararka) - Madaxwaynaha Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shir jaraa’id maalintii shalay ku Qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyey Hogaamiyaha Urur Diimeedka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aways inay Dagaalka kula jiraan Saraakiil Eriterian ah, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay Nabada u diidan yihiin dadka Soomaaliyeed. Sheekh Shariif waxa uu sheegay inay dawladdiisa ka go’an tahay sidii ay ummadda Soomaaliyeed uga gudbi lahayd marxaladdan adag ee ay haatan ku sugan yihiin, kaas oo ugu baaqay Sheekh Xasan Daahir Awey in uu ka soo laabto waddada khaldan ee uu ku socdo. Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu sidoo kale shirkiisa jaraa’id ku eedeeyay hogaanka sare ee Al-qaacida Usama Bin Ladin iyo Ayman Al-Zawahiri in aanay waligood wax wanaag ah ku biirin Somalia. Sheekh Shariif ayaa markale codsday in la soo dhamaystiro ciidamada Amisom, isaga si gaar ah Mahad celin ugu jeediyay Ciidamada AMISOM ee haatan jooga, kuwaas oo uu sheegay inay haatan taageerada iyo badbaadinta ummadda somaliya ay u joogaan. Waxaana ka mid ahaa hadaladii sheikh shariif “Waxaan u mahad celinaynaa Ciidamada AMISOM dowladihii soo diray, waxaanan rajeynaynaa in la soo dhameystiro dhawaan si ay u garab istaagaan Walaalahooda Soomaaliyeed, Dowladaha Kenya iyo Jabuuti waxaan si gaar ah uga mahad celineynaa daryeelka caafimaad ee ay u fidiyeen ciidamada qalabka sida”. Dhinaca kale maalintii shalay waxa madaafiic xoogan la rumeysan yahay in laga soo tuurayay xarumaha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee Muqdisho lagu garaacay qaybo ka tirsan degmada Hodan kadib markii sida la sheegay halkaasi weerar ay hoobiyeyaal ah ay kaga soo tuureen kooxaha ka soo hor jeeda dawladda. Goobjoogayaal ku sugnaa halkaasi ayaa sheegay in madaafiicdu ay ku dhacay agagaarka Bakaaraha oo ay geysteen dhimasho iyo dhaawac, waxayna shaqaalaha gaadiidka deg-degga ahi ay xaqiijiyeen inay qaadeen in ka badan 10-qof oo dhaawacyo kala duwan qaba. Madaafiicda ayaa ku dhacay xaafado ay ka mid yihiin; Barmuuda, Kaasabobolaare iyo meelo ku dhow suuqa weyn ee Bakaaraha, iyadoo duqeyntan ay sababtay in la xidho qaybo ka tirsan ganacsiga Bakaaraha. Dadka deegaanka ayaa sheegay in hoobiyeyaal laga riday xaafadahooda, taasina ay keentay in madaafiicdan lagu soo garaaco, iyagoo sheegay in hoobiyeyaasha lagu duqeeyay saldhigyada AMISOM ee Muqdisho. Madaafiicda ugu badan ayaa ku dhacday xaafadda Kaasobobolaare, iyada oo aan ilaa iyo hadda la xaqiijin khasaaraha dhabta ah ee ay geysteen, waxayna madaafiicdan ahaayeen kuwo aanay dadku wax war ah u hayn. Dhanka kale afar qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay madaafiic iyaguna ku dhacay xaafado ka tirsan degmada Kaaraan oo dhawaanahan ay ka socdeen dagaallo u dhexeeya dowladda iyo kooxaha ka horjeeda, mana jiraan wax dhimasho ah oo ay sababeen. |