Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2104 | July 29, 2009 shacbaan 7,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Laalay Diiwaangelintii Codbixiyeyaasha Go’aamiyeyna In Diiwaangelin La’aan Lagu Galo Doorashada Madaxtooyada Hargeysa, July 29, 2009 (Haatuf) – Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland, Jaamac Maxamuud Cumar (Sweden) ayaa qoraal uu shalay soo saaray ku laalay diiwaangelintii codbixiyeyaasha Somaliland, isla markaana sheegay in doorashada Madaxtooyada Somaliland lagu galo bilaa diiwaangelin, kadib markii uu sida uu sheegay ay hay’adda Interpeace ku fashilantay soo saaristii natiijadii rasmiga ahayd ee kala shaandhaynta xogtii diiwaangelinta codbixiyeyaasha. War-saxaafadeedkan oo uu ku saxeexnaa gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka, Jaamac Sweden ayaa sidoo kale lagu sheegay in hawshii kala shaandheynta iyo soo saaristii natiijada dhabta ah ee dadkii is-diiwaangeliyay ay dayaceen shirkadihii qaatay Qandaraaska diiwaangelinta, isla markaana ay hay’adda Interpeace ku guuldaraysatay inay soo saarto 27-kii bishan July liisaskii kama-dambaysta ahaa ee dadka is-diiwaangeliyay. Sidaas darteedna ay Komishanku ay aqlabiyad ku go’aamiyeen in doorashada Madaxtooyada lagu galo diiwaangelin la’aan, iyagoo taas ku sababeeyay inaan natiijo xalaal ahi ka soo bixin Server-kii kala shaandhaynta diiwaangelinta ee ay hay’adda Interpeace gacanta ku haysay. War-saxaafadeedka gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinku ku laalay diiwaangelintii ayaa isagoo dhammaystiran waxa uu qornaa sidan: “Markaanu aragnay baaqashada liiskii codbixiyayaasha ee kama dambaysata ahaa ee ha’yada Interpeace laga sugayay shalay (doraad) oo bisha July ahayd 27ka 2009. Markaanu eegnay in muhiimada doorashada madaxweynuhu dhawrka goor u baqatay ahayd in la helo liis xalaal ah oo aan kucelcelis lahayn. Markaanu eegnay in muhiimada diiwaangelinta codbixiyayaashu ahayd in la helo doorasho xalaal ah oo qofkiiba hal mar keliya codkiisa dhiibto. Markaanu aragnay darasad lagu sameeyay Serverka iyo tayadiisa Software-ku inay aad u hoosayso oo aanay lahayn hufnaantii looga baahnaa. Markaanu eegnay I aan tiradii xogihii laga soo diiwaangeliyey dalka oo dhamayd 1,363,162 codbixiye marka laga reebo 96,111 codbixiye oo lagu reebay xogtii sawirka iyo farta oo midna lahayn tayadii lagu kala saari lahaa. Markaanu aragnay natiijada uu Serverku qabtayna ee ah 120219 xogood isla markaana ay noqotay natiijada soo baxaday 1,146,832 xogood. Markaanu aragnay soo jeedinaha lagu marin habaabinayo ummada ee afka loo galinayo ee ah in lagu galo doorashada natiijada aan Serverku kala saarin. Markaanu aragnay in hawshii Serverka ay dayaceen shirkadihii qandaraaska la siiyey oo aan lagu maamulin lagana dalbaday inay ka soo baxaaa waajibkooda. Markaanu aragnay warbixintii khabiirkii maraykanka ahaa oo si cad u sheegaysa in aan la isticmaalin Software-kii loo baahnaa inuu isku eego labada xogood ee farta iyo sawirka wajiga, taas oo cadaynaysa inaan wax shaqo ah oo hagaagsan laga qaban arrintaasi. Markaanu aragnay inaan sii dabagalka dambe oo serverka lagu sameeyaa u adeegayn doorasho wakhtigeedii qabsoonta. Wuxuu GDQ qirayaa in mashruuca diiwaangelinta codbixiyayaashu Somaliland ugu fadhiyo qiimo aad u weyn dhaqaale badana qaadhaan bixiyayaasha iyo dadweynaha Somaliland kaga baxay, taasina ay tahay in maadaama in doorashadan wakhti lagu shaandheeyo loo helin in doorashooyinka dambe lagu talo galo in laga sii shaqeeyo oo la hufo si doorashooynka dambe loogu galo haddii ay suurtogasho Waxa kaloo GDQ u arkeen inay muhiim tahay in dib loo eego shirkadihii hawsha loo igmaday si loo xisaabiyo lacagtii qaadhaan bixiyayaasha ka baxday. Hadaba anagoo maanka ku hayna xilka qaran ee aanu ummada u hayno iyo maslaxaada ummadaba.GDQ waxay si aqlabiyada ku go’aamiyeen soo jeedinta in doorashadan Madaxtooyada ee Somaliland lagu galo diiwaangelin la’aan maadaama aan natiijo xalaal ahi ka soo bixin Serverkii doorashadiina ay ku qabsoonto wakhtigii ay u muddaysnayd ee 27ka September 2009.” |