Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2128 August 26 ,2009                                   Ramadan 05,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Golaha Guurtida Oo Guddi Miisaan  Leh U   Saartay   Xal U Helida Khilaafka Siyaasadeed   Ee  Dalka Ka Taagan

Hargeysa, August 27, 2009 (Haatuf)-Golaha Guurtida Somaliland ayaa u saaray Guddi balaadhan oo ka kooban 22 Mudane xal u helida khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka taagan.

 Guddidaasi waxa shalay lagaga dhawaaqay fadhigii Golaha Guurtida  oo uu Guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, waxaanu ka waramay sida loogu baahan yahay in xal kama dambays ah loogu furdaamiyo khilaafaadka siyaasadeed iyo sharciyeed ee dalka ka aloosan.

 Guddoomiyuhu wuxuu ka hadlay dedaalkii  Wasiirul dawlaha Arrimaha dibadda Itoobiya uu ku doonayey in xal loogu helo khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka oogan, waxase uu tilmaamay inuu hawshii oo aan dhamaanin tegay, waxaanu yidhi “Waa kii yimid Weftigii Wasiirul dawlaha Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, una yimid khilaafaadkaas siyaasadeed iyo sharciyeed ee dalka oo uu doonayay inuu isku soo dhaweeyo, madax badanna wuu arkay, intii ay khusaynaysayna madaxda wuu ka arkay dadyow badan oo kalena wuu la kulmay.

Weftigu ninkaasi oo qudha ayuun buu ahaa iyo nin xog-hayn u ah.Hawshii gudo gal iyada oo aanay waxba dhammaana wuu noqday sababahana idinkuba (Mudaneyaasha) waad maqlayseen waxba idiin fur furi mayo, iyada oo aanay hawshii dhammaan ayuu dhoofay wuu soo noqonayaa sida uu yidhi.”

 “Arrinta muhiimka ahi waxa weeye raqba waa ku rageede’ way inoo taalaa, awooddana inaga ayaa leh, xalkeedana haddii aynu inagu isla wey-weyno la heli maayo, waa in xal la helaa waana lagama maarmaan,”Ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Guurtidu.

 Md. Salebaan Maxamuud Aadan,wuxuu sheegay inay shir-guddoonka Goluhu isla qaatay in Guddidii dhawaan Aqalkaasi u saaray xal u helida khilaafaadka dalka, loo xil saaro xal u helida khilaafaadkan dalka, waxaanu tilmaamay in Guddidaasi lagu xoojiyo  dhawr Mudane oo kale, waxaanu yidhi “Horta waxa imika inoo yaala ee aynu u fasax geli weynay waa khilaafaadkaasi dalka ka taagan, waxaan isla qaadanay shirguddoonkii haddii aanu nahay arrintaas inaynu gudo galo, oo aynu Guddi balaadhan u saarno xal u helida xaalada dalka, si Guddidaasi ay Golaha uga soo tallo bixiso sida ugu haboon ee xal loogu helayo khilaafaadka jira.”

 Guddoomiyuhu wuxuu fadhigaasi ka xaadiriyey magacyada Guddida ay u saareen xal u helida khilaafaadka dalka ka taagan, kuwaasi oo kala ah.

 1-     X. Cabdi-kariim Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe)

2-     Md. Maxamed Jaamac Abokor

3-     Md. Muxumed Aw-Axmed

4-     Md. C/Salaan Maxamed Siciid

5-     Md. C/Qaadir Maxamed Xasan

6-     Md. Aadan Shire Faarax

7-     Md. Axmed Muuse Obsiiye

8-     Md. Cabdilaahi Ibraahim Xirsi

9-     Md. Sahal Iidle Dirir

10- Md. C/Qaadir Aw-Xuseen Mire

11- Md. Jaamac Faarax Axmed

12- Md. Nuur Rayaale Khayre

13- Md. Sh. Maxamuud Xirsi

14- Md. C/Raxmaan Axmed Aareeye

15- Md. Xirsi Ciise Jaamac

16- Md. Yuusuf Cabdilaahi

17- Sh. C/Raxmaan Sh. Yuusuf

18- Md. Axmed Daahir Jirde

19- Md. C/Rashiid Sh. C/Laahi Aadan

20- Prof. Axmed Dirir Cali

21- Md. Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg)

22- Md. Saleebaan Garas Seed

23. Siciid Jaamac Cali guddoomiye ku xigeenka 2aad

24.Saleebaan Maxamuud Aadan guddoomiye golaha Guurtida