Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2128 August 26 ,2009                                   Ramadan 05,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Itoobiya Oo Hakisay Dhismaha Jidka Isku Xidha Kalabaydh Iyo Wajaale, Una Leexinayso Aw-Bare & Lafo-Ciise

Boorama, August 26, 2009 (Haatuf) – Dawladda Itoobiya ayaa la sheegay inay hakisay dhismaha jidka isku xidha magaalada ganacsiga ku wanaagsan ee wajaaale iyo Kalabaydh kaddib markii jidkaasi ay uga shakiday xaalad amaan daro ah oo ka dhalatay falkii Jidgooyada ahaa ee lagu laayey rakaabka reer Boorama iyo deegaan la isku haysto.

Wararkan oo laga helay kililka shanaad ee Itoobiya, balse aanay xukuumadda Itoobiya shaaca ka qaadin ayaa lagu sheegay in dhismaha jidkaasi oo qayb ka ahaa heshiisyada dawladda Itoobiya iyo Somaliland dhexmaray sanadkan bilowgiisii, ayaa ku saabsanaa inay dawladahaasi iska kaashadaan dhismaha jid laami ah oo ka soo bilowda magaalada Soohdinta ah ee wajaale oo lagu soo xidho jidka weyn ee laamiga ah ee  Somaliland ku xidha dalkii la odhan iray Somalia.

Sida warku sheegayaa xukuumadda Itoobiya oo dareen nabadgelyo daro ah ka muujisay deegaanka kalabaydh kadib jidgooyadii lagu laayey dad rakaaba oo reer Boorama u dhashay iyo khilaafka weli ka taagan dhulbeereedka Ceel-berdaale oo wakhati kasta keeni kara xasiloonidarro dhulkaasi ka dhacda .

inkastoo aanay xukuumadda Somaliland lafteedu soo hadal qaadin sababta loo bilaabi waayey dhismaha jikan saddex bilood ka hor, ayaa sidoo kale loo qaadan karaa inay jiraan carqalado hortaagan oo ay arrimahani ka mid noqon karayaan, waxayse warar aan la xaqiijini sheegayaan  in Xukuumadda Itoobiya ka fikirayso siddii ay dhismaha jidkaasi ugu rari lahayd meel kale, taas oo la sheegayo in qorshaha jidkaasi loo leexiyey dhinaca magaalada Lafaciise ilaa Aw-Barre ee isla kilika shanaad, kaas oo awal ahaa jid cara-tuur ah oo aan laami ahayn.

Wararka ayaa sidoo kale sheegeya in xaaladda magaalada Wajaale ee dhinaca ganacsigu ay haatan hoos u dhacday kadib shaki soo kala dhex galay ganacsatada halkaasi meheradaha ku leh iyo dadka deegaankaasi ku wada nool ee kasoo kala jeeda gobolka Awdal iyo Gobolka Gebilay, lana sheegayo in ganacsato badani ka soo digorogteen magaalada wajaale, una soo guureen magaalooyinka waaweyn sida Hargeysa, Boorama iyo meelo kaleba, qaarna dib ugu laabteen gudaha dalka Itoobiya, taasina ay ka dhalatay  xaaladaha Ceelbardaale iyo falkii jidgooyada ahaa oo aan weli xukuumadda Somaliland iyo madax dhaqameedyada arrimahaasi khuseeyaa meel isla dhigin, isla markaana aanay dadkii geystay falkii jidgooyada ahaa weli xukuumaddu gacanta ku dhigin, taas oo welwel ku hayso  dadka jecel inay si nabadgelyo ah  dhulkaasi uga xoogsadaan.