Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2128 August 26 ,2009                                   Ramadan 05,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Madaxweyne Rayaale Oo Malaayiin Hantidii Qaranka Ah U Isticmaalaya Ololaha Xisbiga UDUB Iyo Muddo Kordhinta Uu Doonayo Inuu Kursiga Ku Sii Fadhiyo

Hargeysa, August 26, 2009 (Haatuf)- Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ayaa la sheegay in uu lacag ka badan 2 milyan oo dolar oo ka mid ah hantida  qaranka Somaliland u isticmaalo ololaha xisbgiisa UDUB iyo muddo kordhinta uu doonayo in mar kale xilka loogu kordhiyo, kadib markii uu ku guuldaraystay inuu doorashadii madaxtooyada uu dalka ka qabto.

Ololaha Xisbiga UDUB ee xilliga doorashada ayaa lagu qiyaasay kharashka ku baxaya mid  mid aan ka yarayn harashka loo qoondeeyey inuu ku baxo doorashada Madaxtoyada, taas oo ay dadka arimahan la socdaa ay u qiyaaseen inay dhan tahay laba ilaa saddex malyuun oo lacagta Maraykanka ahi.

Xisbiga UDUB oo isagu dabayaaqadii bishii July keligii bilaabay ololaha doorashada Madaxtooyada ayaa kharashka faraha badan ee loogu talagalay  waxa loo qaybin karaa laba qaybood oo kala ah mid ku baxaya Ololaha iyo mid loo adeegsanayo muddo kordhinta xilka Madaxweyne Rayaale 1: kharashka ku baxaya ololaha xisbiga UDUB 31july,2009 oo ah maalintii UDUB bilawday ololaha ay ku kaliyeysatay ilaa 22/8/09 oo ah maalintii ay joojisay UDUB ee Ramadaan soo gashay.

2. kharashka uu madaxweyne Rayaale ku doonayo muddo kordhinta ee  ku bixiyey lana siiyey salaadiinta dhex dhexaadinta iyo xildhibaanada xisbiga UDUB ee doonayey inay qaska ka dhex sameeyaan golayaasha  dhexdiisa iyo inay shirguddoonka ku beddelaan.

 Hadaba hadaynu ku horayno qodobka kowaad ee ah kharashka ku baxay ololihii xisbiga UDUB ee ka bilaabmay 31 july,2009 oo aynu u kala saarayno  kharashka ku baxay garamada, koofiyadaha, istiikarada iyo biladaha oo laga soo daabacay China, kaas oo qandaraaska lagu siiyey nin ganacsade ah , ayaa waxa agabkani lagu keenay oo ay ku jireen laba koontiinar oo midkiiba dharerkiisu yahay 40 Fts  horaantii bishii July,  kaas oo ka soo degay  Dekadda Berbera.

 labadaas kontiinar oo lagu  qiyaasay agabka ku jira sida uu noo sheegay hawl-wadeen dekadda ka shaqeeya oo ka cudur daartay in magaciisa la sheegaa, inay kontiinaradaas ku jireen  120,000 oo garan, 500,000 oo istiikarada lagu dhejiyo baabuurta iyo gidaarada ,120,00 oo koofiyadood iyo  300,000 oo kun oo biladood.

Qimaha alaabtan ayaa la sheegay inay dalka shiinaha ka joogto mid u dhaw ka ay halkan ka joogta alaabta noocaas ahi, aas oo ay shirkadaha dalka gudihiisa qaarkod oo aanu wax ka weydiinay qiimaha ay ku sameeyaan halkii  Garan ku sheegay 6 ilaaa 7 doolar, halkii koofiyadna    halka koofiyadood $3 dollar,  halkii  bilada $2,halkii  istiikarka ahna $1.5.

Halka Qiimaha badeecadaasi ee China lagu qiyaasay sidan

Halka Garan:$3 dollar

Halka Koofiyad: $2 dollar

Halka bilad: $ 0.75 dollar

Halka Istikar $.05

Hadaba,        markaynu min qiyaaska  ugu yar qaadano halka koontinar ee 40Ft ah waxa ku jira kun kartoon oo min labaatan darsin ah iyo qiimaha ugu yare ee dalka China lagaga soo daabici karo wuxu noqonayaa sida soo socota.

120,000 garan X $3=$360,000

120,000 Koofiyad X $2= $240,000

500,000 Istiikaro X $ 0.5 = $250,000

200,000 Biladood X $0.5 = $ 150,000

Total                               = $ 1000,000

Kharaashkaas oo dhan ayaa waxa uu noqonayaa Milyan doolar oo aanay ku jirin kharashkii lagu soo qaaday ama lagu soo raray

Qaybta labaad ee kharshkii ololaha ku baxay oo ah kaambaynka iyo isku soo abxyada ay ku sameeyeen xisbiga UDUB dalka gudihisa iyada oo maalintii ay bilaabeen ila maalintii ay joojiyeen ee  31 july ilaa 22 August waxa uu noqonaysaa 21 maalmood oo xisbigiiba  7 maalmood uu yeelanayo inuu ka ololeeyo dalka oo dhan, iyaga oo labada xisbi ee kale aanay iyagu sameyn wax isu soo bax ah, laakiin xibsiga UDUB kelidii wuu soo wada baxay toddobadiisii maalmood waxaan ku baxay kharashyadaas milyan dolar ku dhow  haddaynu  tusaale u soo qaadano  keliya Magaalada Hargeysa maalintii 19/8/09 oo ololaha ay UDUB iskugu soo baxday waxa ay soo kiraysteen 75 Bas oo sida uu noo xaqiijiyey xubin ka mid ah guddida basasku waxa halkii Bus lagu kireysanayey qiime dhan $ 35, waxaana hawshaas xisbiga u qaabisanaa guddoomiyaha Kaambaynka UDUB  Cisman C/llaahi Cigaal (Hindi ) iyo Badhasaabka Gobola Hargeysa Cali Asad. Celcelis ahaan lacagta ku baxday kirada Basaskaasi ayaa waxay noqonaysaa 35X70= 265O x7Days = $ 25550, waxa kale oo intaas dheeraa shidaalka maalintii loogu talo galay in baabuurta ay ku isticmaalaan, kaas oo lagu qiyaasay inuu dhamaa 400Litir maalintii waxaana kharashka shidaalku uu noqonayaa toddobaadkii lacag ku dhaw SLsh 15.400,000/-  

Sidaa darteed marka lagu daro kharashaadka calamada xafiisyada kharash la siinayo hawl wadeenada xisbiga UDUB  ayaa waxay noqonaysaa magaalada Hargeysa oo keliya inay todobada cisho ku baxayaan lacag dhawr boqol oo kun oo dollar ah,  taasi oo mrka loo geeyo kharashka shanta gobol ee kale kaga baxay xisbiga udub toddobada cisho ee ay isku soo baxyada sameeyeen ka dhigaysa lacag milyan dolar sare u dhaafaysa.

Haddaba iyada oo Bangiga dhexe ee Hargeysa u furnaa xisbiga UDUB ilaa tobanka habeenimo ramadaanta  ka hor ayaa waxa intaas dheer kharashka ka hortaga mudaharaadyada xisbiyada mucaaradka ah iyo gaadiidka cusub ee loo iibiyey saraakiisha UDUB.

Dhinaca kale waxa kharashkaad aad u badani kaga baxay madaxweyne Rayaale sidii uu muddo kale ugu sii fadhiy lahaa, kadib  markii uu laalay  natiijadii diiwaangelinta, taas oo dalka ka dhalisay khilaaf  siyaasi ah, oo hadda muujinaya inaanay doorashadii qabsoomayn, taas oo uu Madaxweyne Rayaale doonayo in xilka Mar kale uu koradhsado, isaga oo taas doonaya Inuu mucaaridka kaga iibsado inuu ogolaaday in dib loogu noqdo Serverkii oo la kala shaandheeyo hadhawana  tirada ka soo baxda lagu galo doorashada, haddana dhawr bilood dib loo dhigo doorashada .

Tusaale haddaynu u soo qaadano badhtamihii bishan maalintii golaha wakiiladu codka u qaadayeen moshinkii ahaa in madaxweyne Rayaale iyo komishanku ay ka noqdaan go,aankii ay ku laaleen diiwaangelinta waxa uu Madaxweyne Rayaale ku bixiyey mudaneyaasha Wakiilada lacag boqolaal kun oo doolar gaadhaysa, taas oo ujeeddadeedu ahayd in aanu golahu helin aqlabiyada Kooramka fadhiga golaha wakiiladu uu ku furmo, lacagtaas oo ay xildhibaano badani inta ay qaateen haddana ay buuxiyeen kooramkii.

ahau siiyey ilaa afartaneeyo xildhibaano ah min $400 doollar si aanay u surto galin in moshin hirgalo in kastoo qaarka mida ay xildhibaanadasi intay lacagtyii qaateen hadna au

Sidoo kale waxa la sheegay fadhigii golaha wakiilada 24 August ee toddobaadkan in xildhibaanadii UDUB ee ku dagaalamay si aanu goluhu u furmin ay xukuumadu ku bixisay kharash badan oo la siiyey xildhibaanada taageera xukuumada iyo kuwo la doonayo in laga soo goosto dhinaca  mucaaridka, iyada oo arintaasna lagu bixinayo kharash badan,  taas oo sababta uu madaxweyne Rayaale u siinayo xildhibaandaasi  ay ahayd inuu  ka hor tago mooshin la hadal hayey in madaxweyne Rayaale xil ka xayuubin lagu sameeyo, kaas oo sida la sheegay xildhibaanada qaar lacagtaasi gaadiid ka iibsadeen.

Waxa kale oo jirta kharash kale oo ku baxay Salaadiin si ay ugu soo dabaalaan xisbiyada mucaaradka ah in muddo kordhin loo sameeyo madaxweyne Rayaale, iyada oo la sheegay kharashka dhexdhexaadinta ay ka dhex wadaan saddexda xisbi maalgalinteeda inuu leeyahay madaxweyne Rayaale.