Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2128 August 26 ,2009                                   Ramadan 05,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 Qarax Miino Oo Dhaawacyo Culusi Ka Soo Gaadheen Laba Qof Oo Ka Dhacay Deegaanka Xaaji Saalax Ee Degmada Oodweyne

Burco August 26, 2009 (Haatuf ) - Laba Caruur ah oo dhaawacyo ka soo gaadheen qarax miino oo ka dhacay degaanka Xaaji Saalax ee Degmada Oodweyne, kuwaas oo la sheegay inuu dhaawacoodu ahaa mid culus.

Caruurtan uu dhaawacu ka soo gaadhay Miinadda ayaa waxay ahaayeen  Wiil iyo Gabadh, kuwaas oo ay miinadu kaga qaraxday  Degmada Xaaji-saalax oo ka tirsan degmooyinka Gobolka Togdheer oo ku yaala Xuduudka Gobolkaasi la wadaago  kililka shanaad ee dhulka Itoobiya.

Qaraxan miino ee gaystay dhaawacan Culus ayaa ka dhashay ka dib markii ay labadan  caruurta ah ee dhaawacamay ay garaaceen Miino Jalfis ah oo ay heleen sida ay uu  Shabakadda Ramaasnews u xaqiijiyay C/laahi Xaaji Ibraahim oo ah Aabaha dhalay labadan caruurta ah ee dhaawacmay isla markaana caruurtan dhaawaca soo gaadhay ayaa la keenay Cusbitlaaka Magaalada Burco halkaasi oo lagu daawaynaayo.

C/laahi Xaaji Ibraahim Aabaha dhalay caruurtan qaraxa miino ku waxyeeloobay oo ah Maamulaha Dugsiga Degmada Xaaji-saalax ayaa xukuumada ugu baaqay in ay wax ka qabato qaraxyada Miinooyinka ku jira Deegaankaasi  ku yaala xuduudka, kuwaas oo uu ku sheegay inay  maalin kasta waxyeelaynaya dadka iyo duunyada ku dhaqan dhulkaasi, isla markaana waxa uu Xukuumada u soo jeediyay inay Hay’adda Miinada iyo kuwa Caafimaadka ku amarto inay Dawooyinka TEETANADA iyo kuawa Dhiig-joojintaba inay geeyaan Tuulooyinka iyo Degmooyinka ku yaala dhulka ay miinooyinku ku aasanyiin ee ka baxsan Magaalooyinka waaweyn si loogu dabiibo dadka inta la soo gaadhsiinaayo Cusbitaalada waaweyn.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray Aabahani oo uu sheegay in dadka ku dhaqan deegaamadaasi ku dhaw Xaduudka markasta oo ay waxyeelo ka soo gaadho qaraxyo miino  in ay la kulmaan daawo la’aan arintaasi oo uu sheegay inay dadka dhaawacmaa ay la kulmaan dhiig-bax iyo teetano isla markaana waxa uu sheegay in ay dadka qaar ka mid ah ay u dhintaan dhaawaca iyo dhiig-baxa ka soo gaadha qaraxyada miinooyinku ay sababaan .

maaha markii u horeysay ee ay sidan oo kale uu qarax miino ay waxyeelo ka soo gaadho dadka deegaamada  xuduudka ku teedsan, Boqolaal jeer oo hore ayey sidan oo kale qaraxyo miino ka kaceen dhulkaasi, waxaaney waxyeelooyin badan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac u gaysteen Boqolaal qof  iyo xoolo waxaana ugu danbeeyay oo qaraxyo miino ku waxyeeloobay Bishii ina dhaaftay degmada Khaatumo Saddex qof kuwaas oo iyana dhaawacyo kala duwani soo gaadhaan