Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2128 August 26 ,2009                                   Ramadan 05,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 Guddida Joogtada Iyo Anshaxa Ee Wakiilada Oo Isku Shaandhayn Lagu Sameeyey Lana Filayo In Talaabo Anshax Marin Ah Ay Qaadaan

Hargeysa, August 26, 2009 (Haatuf)-Guddida joogtada ee golaha Wakiilada ayaa isku shaandhayn lagu sameeyey, iyadoo kuwo cusubna lagu soo daray kuwo kalana laga bedelay guddiyada kale.Guddida isku shaandhaynta lagu sameeyey waxa ka mid ah ee qaarna lagu soo daray qaarna laga bedelay guddi hoosaadka joogtada iyo anshax marinta.

Xubnaha cusub ee lagu soo daray guddida joogtada waxa ka mid ah Md:Maxamuud Axmed Obsiiye, Cabdicasiis Ismaaciil Ducaale, Maxamuud Dhukaal Guutaale, Axmed Maxamuud Cali Beegsi.

Kuwo laga bedeley ee guddi hoosaadyada lagu daray waxa iyaguna ka mid ah,1.Md:Cabdiqaadir Jaamc Xaamud, 2.Axmed Xasan waysa Cade,3.Cali Xaaji Maxamed Muuse,4 Ikraan Xaaji Daa’uud Warsame.

Xildhibaanada laga soo bedelay guddi hoosaadka Joogtada iyo anshax marinta waxa lagu bedelay Guddi hoosaadyada Arimaha Gudaha iyo Ilaalinta haantida Qaranka.

Isku bedelka lagu sameeyey guddi hoosaad joogtada iyo Anshaxa ayaa ka dhashay sida ay ilo xogogaal ahi noosheegeen fadhiidnimo ka dhalatay hawl qabadka gudidaasi, taas oo lagu tilmaamo guddida hoosaadyada  kuwa ugu fadhiidsan, taas oo dhaliil looga soo jeediyey inaanay wax anshax marin ah ka qaadin Xildhibaanada ku gafa xeer hoosaadka golaha, kaas oo ay guddidu u qaabilsan tahay anshax marinta xildhibaanada iyo isku duba ridka xeer hoosaadka golaha oo inta badan aanu ku dhaqmin xildhibaanada goluhu, iyagoo  iska baalmara qodobada xeer hoosaadku dhigayo waxaana la filayaa in ay guddida joogtadu iyo anshaxu ay todobaadka soo socda ay talaabo anshax marin ah ka qaadi doonaan xildhibaano ka tirsan golaha oo ku gafay dastoorka iyo xeer hoosaadka golaha.