Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2128 August 26 ,2009                                   Ramadan 05,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 Aragtiyaha Reer Burco Ka Bixiyeen Iscasilaadii Guddoomiyihii Garabka Siyaasada Xisbiga Ucid Naasir Xaaji Cali

"Waxa Noo Cadaadatay In Md. Naasir X Cali Shire Uu Ahaa Raga Xisbiga Jahada Mucaarid-Nimada Ka Duway Ee Xisbiga La Odhan Jiray Waa Qayb UDUB Ka Mid Ah” C/Casiis Maxamed
Burco, August 26, 2009 (Haatuf) - Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka mid ah xubnaha golaha wakiilada xisbiga UCID uga soo baaxay gobolka Togdheer, isla markaana xisbiga u qaabilsanaa garabka siyaasada ayaa todobaadkan sheegay inuu iska casilay guddoomiye-nimadii garabka Siyaasada ee uu xisbigaassi u qaabilsanaa, islamarkaana naqdiyay siyaasada xisbiga ee waqtigan, iyadoo uu dhinaca kalena tageerayashiisa ugu baaqay in aanay ka qaybgalin abaabulada ay waayadan danbe wada-jirka u wadaan labada xisbi mucaarad.

Hadaba mawqifka waqtigan xaasxaasiga ah uu qatay xildhibaanku ayaa dadbadani saluugeen, iyadoo ay saluugooda ku sababeeyeen in xildhibaan Naasir X. Cali Shire uu daahfuray arin ay intabadan dadka mucaaradada  ku fogi ku sheegijireen xisbiga UCID inuu xukuumada gacansaar la leeyahay, arantaas ayaa hada dadbadani aaminsan yihin in  Md. Naasir ka mid ahaa raga doorka weyn ka ciyaari jiray gacansaarka dhinaca xukuumada ee xisbiga lagu xaman jiray, isla markaana uu ka cadhooday siyaasada mucaaradada adadag ee xisbigu hadda ku talabsaday iyo gacansaarka uu xisbiga kale ee Mucaaridka ah ee Kulmiye uu la yeeshay.

Si kastaba wax hawjireen tageerayaal badan oo reer Burco ah lana dhacsanaan jiray hadalada Md. Naasir Cali Shire ayaa hadalkan hadda ka soo yeedhay Calaamad Su’aal Saaray, isla markaana labaddi maalod ee u dambeeyey ayaa magaalada Burco arintaa haddal haynteedu ku badnayd, taas oo ay afkaaro kala duwan ay ka bixiyeen qaar ka mid ah dadweynaha reer Burco.

Axmed Saleebaan Cali oo ka mid ah muwadiinta reer Burco. oo arintaa xildhiibanka ka hadlay ayaa sheegay  inuu tageerijiray hadalada mudanaha waxaana uu yidhi “Arintaa xildhibaanka majeclaysan mana odhan karo waa khalad oo fikirkiisa ayuu hadalay, anigu waxa aan waayadii hore tageerijiray figradaha Mudanaha, balse hadda figradan lama dhacsani waanan ka soo horjeedaa oo waxa aan u arkaa inuu odaygu waddo hadalo aan ku habonayn siyaasada xisbiga UCID".

“Waxa noo cadaadatay in mudane Naasir X Cali Shire uu ahaa raga xisbiga jahada mucaarad nimada ka duway ee xisbiga loo odhan jiray waa qayb UDUB ka mid ah taas maanta ayaan yiqiinsaday in uu kow ka ahaa waxaana leeyahay mudane waqtigan ay xukuumadu ildaran tahay ka gudub u xaglinteeda" C/casiis Maxamed oo ka mid ahaa dadweynaha reer burco.
siday doontoba ha ahaatee hadalka xildhibaanka oo gobolka Togdheer laga soo doortay ayay dad badani naqdiyeen, iyadoo mudanaha hore looga bartay hadala dhiiran iyo qorshayaal wacan oo u soo bandhigi jiray.