Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2006 | April 06, 2009 Rabiicul Thaani 10,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Mid Ka Mid Ah Beelaha Ugu Miisaanka Culus Deegaanka Hargeysa Oo Cadaysay Inay taageeradoodii Isugu Luga Duween Xisbiga Kulmiye “Rayaalaw Ummada Horfadhiyi Maysid, Waxaad Hore U Gaysatay Waxaad Maanta Ku Wadaa Ka Daran, Xoolihii Baa La Boobay, Oo Adhigii Baa La Boobay, Dekadihii Baa La Bakhtiyey Oo Dhalinyaradii Ayaa La Xidhxidhay Oo La Laayey”Guddoomiye Axmed Siillaanyo “Xukuumada Waxa aanu leenahay Ammaanadii inaga Dhaxaysay aan ka tashanee baddka soo dhiga,Hadii aad Diidaan Waxa ay idinla noqoto waa naga Guddoon ee nina yaanay la xumaan”Muj:Muuse Biiixi Hargeysa, April 06, 2009 (Haatuf)- Mid ka mid ah beelaha ugu miisaanka culus deegaanka Hargeysa ayaa sheegay in ay taageeradoodii u hibeeyeen xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye kadib markii ay arkeen in xisbigaasi uu yahay ka kaliya ee badbaadin kara dalka iyo dadka, isla markaana gaadhsiin kara dimuqraadiyada aynu hiigsanayno. Boqolaal qof oo iskugu jira Madaxdhaqameedyo, Odayaal, Aqoonyahano iyo Dhalinyar Rag iyo Dumarba leh oo ka soo jeeda beesha Nuux Ismaaciil (Sacad Muuse) ayaa xaflad lagu soo dhaweynayey xisbiga kulmiye u sheegay inay hadda wixii ka dambeeya si buuxda oo hagar la’aana u taageerayaan si uu u gaadho hadafkiisa oo uu ugu guulaysto loolanka doorashada. Munaasibadan oo ay ka qayb galeen masuuliyiinta xisbiga Kulmiye oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka qaybgalay munaasibadan balaadhan oo lagu soo dhawaynayey beesha Nuux Ismaaciil (Sacad muuse) ee magaalada Hargeysa. Munaasibadan oo qorshe ahaan loogu talagalay inay ka dhacdo hotel Crown, balse ay xalay xukuumadu saqdii dhexe waraaqo amar ah gaadhsiisay hoteelada magaalada Hargeysa, taas oo lagu sheegay in aan wax shirar ah loo ogolaan xisbiga KULMIYE inuu ku qabsaday goobahaasi. Shalay subax markii qabanqaabiyayaashii shirku ka warheeleen in hoteelkii laga xidhay ayey xafladoodii ku qabsadeen barxada weyn ee hoteelka hortiisa, halkaas oo ay ka soo qaybgaleen boqolaal qof oo iskugu jiray haween iyo rag-ba. Odayaasha iyo aqoonyahankii xaflada ka hadlay ayaa waxay sheegeen in beesha Nuux Ismaaciil si toosa u taageerayaan xisbiga KULMIYE, isla markaana kalsoonidooda siinayan, waxaanay halkaas ku guddoonsiisay xisbiga $10,000 oo Dollar oo ay ku taageerayaan KULMIYE. Guddoomiyaha xisbiga kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo munaasibadaa ka hadlay ayaa ka waramay xaalada maanta uu dalku marayo iyo in loo baahan yahay isbedel siyaasi ah oo dalka ka dhaca,waxaanu ku bilaabay hadalkiisa “ waxa farxad weyn ii ah inaan munaasibadan qiimaha leh ka soo qaybgalo, waxa farxad weyn ii ah in halkan banaanka ah ee dhirta hoosteeda ah ee barxada ah dadweynihii reer Hargeyska iskugu yimaadeen, ee beesha magaca weyn leh ee taariikhda weyn leh ee maanta xafladan sharafta leh ku qabatay waa mid aan aad iyo aad qiimo iyo qaayo u siinayo, waxa wadanka maanta ka socda waynu aragnaa, waxa xisbiga kulmiye lagu haystaa oo loo diiday hudheeladii iyadoo loo diiday meel walba iyadoo maalin walba waxay doonaan ku samaynaya oo iyadu tooda u ogol oo loo caburinayaa waxaynu ognahay in shacbiga reer Somaliland ay taageersan tahay oo reer Hargeysi taageersan yihiin oo ay ku qanacsan yihiin xisbiga KULMIYE. Xisbiga kulmiye waxa uu u soo dagaalamay iyo wuxuu u dagaalamayaba waa xoriyada, nabadgelyada waa horumarka dalkan iyo sharaftiisa iyo qiimihiisa iyo inuu xoriyad helo weeyi. Kulmiye waxa uu maanta taagan yahay xilkii Daahir Rayaale iyo ku xigeenkiisa inay dhamaanayaan barito (Maanta), waxaan halkan ka cadaynayaa in aanan maalintaa wixii ka dambeeya aanan aqoonsan doonin inuu dalka madaxweyne ka yahay inuu sharci ku fadhiyo anagu uma aragno, waxa xisbiga kulmiye diyaar u yahay inuu doorasho xor ah oo xalaal ah goorta ugu horeysa ee ay qabsoonto isu soo taago, wuxuu ku kalsoon yahay in xooga iyo taageerada dadweynaha intaba haysto, mar qudha maanu diidin doorasho xor ah oo dalka ka dhacda, laakiin waxaanu leenahay daahir Rayaale isagoo maanta muujiyey baqdinta uu ka qabo, kalsooni darada uu ka qabo inuu maanta hudheeladii xorta ahaa guddahooda ma gali kartaan, maxaa u diiday mudahaaraad dastuurkaa qoraaya waxaanu leenahay maanta wakhtiga uu joogo ee 6-da April joogto ama wakhtigii munaasib ah ee xisbigu ku dhawaaqo waxa reer kulmiye iyo taageerayaashiisu iskugu soo baxayana mudaharaad salmi ah oo ay ku muujinayaan ayey ku soo baxayaane u diyaar garooba. Maanta waxay maraysaa in la yidhaahdo barito waa maalintii SNM la aasaasay waxay ahayd in layskugu yimaado beerta xoriyada, maanta warka soo baxay waxa weeyi markiii la ogaaday shacbiga halkaas iskugu imanaya, markii la ogaaday in kulmiye tagayo, markii la ogaaday inuu ka hadlayo waxa la yidhi lagu qaban maayo, taa macnaheedu waa maxay, halgankiina halkaas ayaa lagu dafiray, xoriyadii halkaas ayaaa lagu dafiray oo cabudhaya ayaa lays leeyahay, taana yeeli mayno.xoriyad ayaan u soo baxaynaa oo mudaharaad sharci ah oo nabadgelyo ah oo xaq aanu u leenahay ayaanu shacbiga awoodooda ku muujinaynaa wakhtiga ugu horeysa ee ay doorasho qabsoonto ayaanu isku soo taagaynaa anagoo isku kalsoon, waanuna ku guuleysanaynaa, waxa kale oo aanu daadafaynaynaa oo aanu diidnay go’aankii dhawaan guurtida ka soo baxay ee ahaa kordhinta aan ku fadhiyin distoorka iyadoo sharciga aanu ku oolin, dastoorku wuxu farayey aan lagu dhaqmin ee doorasho xaqdaro ah loo kordhiyey, taana waanu daadafaynaynaa oo ma ogolin, waxaanu idin leenahay aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin, nabadgelyada aynu dhawrno mudaharaadkana aynu u soo baxno, waxaanu leenahay Daahir Rayaale ha dhaco, ummada horfadhiyi maysid, waxaad hore u gaysatay waxaad maanta ku wadaa ka daran, xoolihii baa la boobay, oo adhigii baa la boobay, dekadihii baa la bakhtiyey oo dhalinyaradii ayaa la xidhxidhay oo la laayey, ha dhaco ayaanu leenahay” ayuu yidhi Siillaanyo. Dr.Maxamed Cabdi Gaboose oo ah hogaamiyaha ururu siyaasadeedka qaran oo ay xulafo yihiin Xisbiga Kulmiye oo xafladaas shalay ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Wallaalayaal, waxaan aaminsan nahay in dawladan hadhaaga ahi ay noo hiilisay, waxay inoogu hiilisay qol xidhan inaynu ku shirno ayay inoo diiday oo dibada ayay inoo soo saartay, Geed walba waa qol, Banaan waliba waa qol,markaa guul baan taagan nahay. Waxaan mahad u celinayaa abaabuleyaasha shirkan oo markii albaabka laga xidhay aan kala tegin ee ku dhacay inay dibada iskugu keen yeedhaan.” “Waxaanan dhawaan rajaynaynaa inagoo xaafad walba ka nimid aynu meelo ka waaweyn iskugu nimaadno halkan,waxaan idiin sheegayaa oo sharciyadii dalkan lagu tuntay, oo aanay xukuumad sharci ahi ka dhisnayn wixii ka dambeeya 6-da bishan April,”Ayuu Yidhi Md Gaboose. Dr Gaboose wuxuu sheegay in badhasaabada Goboladuna ay noqonayaan wakiilada xisbiga hubaysan ee UDUB. “Dastuurka dalka ayaa noo fasaxaya inaan shucuurteena muujino, oo aan iskugu soo baxno si salmi ah,waxaan idiin sheegayaa xisbiga KULMIYE cidna uga hamran maayo cidna ku tixgelin maayo inuu dibada u soo baxo oo uu taageereyaashiisu iskugu soo baxaan banaan bax,”ayuu intaasi raaciyay Dr Gaboose. Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay inaanu wax dhibaato ah u arkayn in laga horjoogsado Huteelada ay xafladaha ku qabsanayaan, isagoo arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi “Malaa dad badan baa cadhaysan oo Huteel baa la inoo diiday iyo wax lehe’e horta Anigu cadho-na ma qabo ciilna ma qabo.oo Anigu dad aan isku xayd-xaydaba ku arki maayo qolada waraaqahan hudheelka la inoogu diiday soo qoray dad caruur ah ayaan u arkayaa. carruur igu khaldantay.” Muuse Biixi waxa uu ammaanay taageereyaasha ku soo biiray oo ah beel ka mid ah beelaha waqooyiga Hargeysa oo uu aad u bogaadiyay kana war-bixiyay taariikhdoodii, isagoo soo qaatay tixo gabay ah oo hore loogu tiriyay Beesha Nuux Ismaaciil. Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee KULMIYE oo ka hadlayay xaalada siyaasadeed ee dalka ka jirta waxa uu yidhi “Dawladda maanta joogta wada hadalnay oo waxaan leeyahay, horta waxaan la yaaban nahay UDUB waxa doorashadii Madaxtooyada u coddeeyay 42% , KULMIYE-na waxa u coddeeyay 42%, lix sano ka hor oo way is le'ekaayeen, waxaan leeyahay lixdaa sanadood dadkii u coddeeyay KULMIYE, muddadaas waxay ku jireen waan ku xidhayaa, shaqada ayaan kaa eryayaa, qaran diid baad tahay, iyo Hudheel aad ku shirtaan idiinma ogolin.” “Intaas oo dhan waxaanu leenahay dawladda ilmaadeerayaal maxaad leedihiin? Oo waanu baryaynay walina baryaddii kama aanu daallin oo dhawaan baanu soo saarnay go’aankayagii oo waliba waxaanu ogol nahay wadahadal, haddii wax lagu helaayo. Horta dad isle'eg ayaa ina doortaye haddii aanu idin ixtiraamnay oo ay shan sanadood dhammaatay oo aanu kordhinay, oo waliba aanu idin leenahay ammaanaddii inaga dhexaysay aan ka tashanee badka soo dhiga. Haddii Aad diidaan sidii ay idinla noqoto anagana waa naga guddoon nina yay la xumaanin,”Ayuu Yidhi Muuse Biixi Waxa isaguna halkaas ka hadlay Baashe Cabdi Gaboobe oo ka mid ah qabanqaabayaashii xafladan oo halkaas ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “dawladu isbaaray dhigatay iyagoo is leh kulmiye wax ku yeela laakiin wax u dhimi maysaan oo kor baad u qaadeen, dalku maraxalad kalitalisnimo ayuu dalku marayaa, xoolihii macdanti ayey xukuumadu u xidhay dad gaar ah, haddii ay sidaa ku sii socotana sidii afweyne ayey guryaha inagala bixi doonaan. wixii dastuurku inagu waajibayey ee inoo ogol yahay cidnaba uga gaban mayno, madaxweynimaduna barito (maanta) ayey Rayaale kaga eeg tahay” ayuu yidhi Baashe cabdi gaboobe. Axmed Xaaji Nuur oo isagu ah guddoomiyaha Nuux Ismaaciil ee taageeradooda u muujinayey xisbiga kulmiye ee xaflada soo qaban qaabiyey oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay inay si weyn u taageersan yihiin xisbiga KULMIYE, isla markaana taageero lacageed iyo mid kale ay ku taageerayaan, waxaanu sheegay in markii uu dalka la xoreeyey uu madaxweyne Rayaale dalka ka baxsaday ka dibna la saamaxay, waxaanu sheegay in aanay haboonayn in uu sidaa ula dhaqmo oo uu hoteelada u diido xaflada Kulmiye. Oday Maxamed Cabdi Arabay oo ka mid ah odayaasha magaalada ayaa isna si ba’an u weeraray madaxweyne Rayaale isagoo ku tilmaamay in aanu u qalmin madaxweynenimada sidoo kale waxa uu sheegay In odayaasha ka hadla Tv-ga dawlada ku tilmaamay inay yihiin kuwo xaaraan iyo cuqubo u guraya ubadkooda, isagoo taas ka hadlayana waxa uu yidhi “ waxaad arkaysaa odayaal waaweyn oo tv-ga dawlada ka hadlaya oo jaadkii iyo biyihii agyaalaan waxaa la moodaa inay indhuhu ka soo wada baxayaan xaaraana way ku hadlayaan ubadna way leeyihiin, xaaraanta waxa uu Nabigu ayaa la yidhi xaaraan ka waran, waxa uu yidhi iyada iyo ehelkooduba way is raacaan, markaa wasiir ha ahaado, madaxweyne ha ahaado waar xaaraanta aad cunaysaa ubadka kama maarmaynee ka daaya ubadka xaaraanta aad siinaysaan idinku meeshaad doontaan la tago’e.” waxa uu intaas ku daray “Ta kale waar qoodha lama uleeye rag iyo dumarkuba way leeyihin qoodha’e, markii ragii waaweynaa ee mujaahidiinta ahaa uu xidhxidhay ayuu ka ilhelay Horta guurtidu waxay ahayd marka lays qabto meeshii lagu kala bixi karo, halkan waxan halkan si gaar ah u tahnidaynayaa laba nin oo ku jiray 35 kii diiday muddo kordhinta oo yidhi nin wayn baan ahay wakhtigaasaa joogay kitaab qurana ayaan maray markaa u codayn maayo khalad aan arkayo nin weyn oo oday guurtida ah oo aan umalaynayo inuu gobolada bari ka soo jeedo ayuu ahaa, kan kale ee aan u hambaleynayaa waxa Cabdi Sheekh Yuusuf Sh. Madar, waxaanan leeyahay waad ku banaantahay reer Sheekh Madar” ayuu yidhi Arabay. Sidoo kale Guddomiyaha Gobolka Hargeysa Cali Xasan Maxamuud [Cali-Asad] ayaa Huteelada waaweyn iyo mulkiileyaasha Hoolalka shirarka ku amray inaanay xisbiga KULMIYE ku qabsan wax shirar ah muddo laba Cisho ah. Qoraalkan loo gudbiyey hoteelada iyo mulkiilayaasha isagoo dhamaystirana waxa uu u qornaa sidan: “Anagoo ka duulayna marxalada Nabadgelyo darrada u geysteen ama doonayaan inay caasimada Jamhuuriyada Somaliland xasilooni darro ka ridaan xisbiga siyaasiga ah ee KULMIYE. Sidaasi daraadeed danta Nabad gelyada awgeed waxa dhammaan masuuliyiinta leh Hudheelada, hoolalka xafladaha ama shirarka lagu qabto la farayaa in aanay kirayn karin labada maalmood ee 05/4/2009 iyo 06/04/09 fasax la’aan. Fiiro Gaar ah waxa fasixi kara Guddoomiyaha Guddida Nabadgelyada Gobolka Maroodi Jeex, ahna Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex.”Cali Asad Sidoo kale waxa isna halkaas ka hadlay Dr: Maxamed Cabdi Gaboose, Maxamed Cabdi Iskeerse, Muuse Biixi Cabdi, Oday Maxamuud Cabdi Dhool dahable, jaamac Ganaf cade, Suldaan Saleebaan iyo Cali Maarshaal iyo odayaal iyo waxgaradka beesha Nuux Ismaaciil oo dhamaantood ka sheekeeyey taageerada ay u hayaan xisbiga Kulmiye. |