Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2045 May 21, 2009                  Rabiicul Al Awal 26,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Al-Shabaab Waa Aafo La Odhan Karo Waxay Ka Dhex Dhalatay Dawlad La’aan, Saboolnimo, Qabiil Iyo Al-Qaacida Oo Sallaan Ka Soo Dhigatay Al-itixaad

War Bixin Xiiso Badan Oo Ka Waramaysa Qaabka, Falsafadda Iyo Ujeedooyinka Ay Dhallinyarada Iyo Carruurta U Duufsadaan Al-Shabaab

Muqdisho, May 21, 2009 – Shabaabku, run ahaan waa dhalinyaradii hadda ku jiri lahayd Dugsiyada sare ama Jaamacadaha oo ku dhacay dabinka Al-qaacida, dedaalka ay ugu jirto Al-qaacida in ay ballaadhiso aagga ay kala dagaallamayso Maraykanka iyo guud ahaan reer galbeedka ayaa ah Muhiimada ugu weyn ee ay Al-qaacida u isticmaalayso Somalia.

Somalia oo aan dawlad lahayn, colaado sokeeye iyo dagaalana ku jirtay in ka badan 20-sannadood ayaa waxbarasho iyo shaqo waa hore ka sal-guuray, waxaana hubaal ka jira Somalia jawi baahi iyo Fakhri ku qotoma oo ciddii doonaysaa ay danteeda ka fushato, Al-qaacidana waa ka mid qoomka intifaacsada ee mahadiyey burburka Soomaaliya.

Magacyada la beddeshay ee lagu Been-abuurtay sida (Abu Mansoor, Abu Salma, Abu Quteyba, Abu Muxsin, Abu Zeynab, iwm) iyo lebiska dharka ee laga soo minguuriyey Afghaanistaan iyo meelo kale iyo waliba sida loo hadlayo, intuba waxay tilmaamayaan in isir aan Soomaali ahayn lagu abtirsanayo, waxaana la wataa ujeedo ka gun-dheer mid Somalia lagu xasilin-karo.

Ururka Al-shabaab waa Urur mayal-adag iyo mintidnimo darteed uga soocmay ururadii kale ee ka dagaalamayey Somalia tan iyo 1991kii, sida Qabqablayaashii Dagaal, Maxkamadihii, Al-islaax, Al-itixaad, iwm. Inkasta oo dadka qaarkood qabaan in Al-itixaad oo imika ku gabata Magaca ah Al-ictisaam ay korinta iyo kobcinta Al-shabaab ay qayb-libaax ka soo qaateen.

Al-shabaab waxa hogaamin jiray Aadan Xaashi Cayrow (Abu Muxsin Al-ansaari) iyo Sh. Xasan Afrax oo ahaa ku xigeen. Ujeedadda Shabaab-ka ee ugu weyn waxa weeyaan in ay Somalia qabsadaan oo ay ka dhigaan Bogcad go’doon ka ah Caalamka intiisa kale, waxa kale oo ay doonayaan in Somalia ay ka dhigaan Meel aan la kala lahayn oo ay ku soo ururiyaan shisheeye dambiileyaal ah oo aaminsan fikradooda, dadka Somalida ah ee Fikirkooda diidana la laayo oo la cidhib-tiro .

Qorshayaashooda waxa ku jira in shisheeyaha lala dagaalamo, ha noqdo mid Somalia doonaya in ay nabadi ka dhalato iyo mid aan doonaynba, isla markaana Soomaalida qabta in adduun-weynaha lala macaamilo oo xidhiidh lala sameystaa ay yihiin Saliibiyiin ama gaalo-raac, loolana dhaqmo sida gaalada oo kale. shabaabku waxay u badan yihiin da'yarta u dhaxaysa 14 jir ilaa 22 jir, waana wakhtiga dhalinyarada iyo caruurta maskaxdooda la xadi karo, waa sida ay sheegeen Dhakhaatiirta Cilmi-nafsiga ku takhasusay. Marka u horaysa ee Shabaab-ku ay gacanta ku dhigaan Da’yarta iyo caruurta waxa ay ka dilaan oo ay ka suuliyaan Muxibada iyo kalgacaylka Rabaaniga ah ee Illaahay Isu-galiyey Ubadka iyo Waalidkiisa, iyaga oo u tusaaya Da’yarta in Waalidkood yahay dad aan dariiqa saxa ah ku taagnayn. Isla-marka caruurtu u gacan gasho ayey ku bilaabaan dagaal galinta iyo Is-qarxinta.

Daahir Aweys, Mukhtar Roobow iyo Axmed Godane oo ah hogaamiyaasha Al-shabaab iyo Al-itixaad ama Al-ictisaam ayaa ah ragga ka dambeeya qorshaha lagu halaagaayo Ubadkii Somaaliyeed ee berito ciidamin lahaa ama jiilkii soo socday, wali lama hayo wiil uu dhalay ama ehel dhow u ah Daahir Aweys, Mukhtaar Roobow ama Ina-Godane oo Is-qarxiyey, da’yarta iyo Caruurta ay xasuuqayaan ee ay dabka saareen waa Ubixii Waalidiinta danyarta ah ee Soomaaliyeed.

Dhinaca Yurub iyo Maraykanka ayaa warbixin laga soo saaray carruurta Soomaaliyeed ee Shabaabka u gacan gashay lagu xusay inay yihiin Dhallinyarada Maskaxiyan kala dhantaalan ee aan Is-maamuli karayn iyo kuwa dambiileyaasha ah ee nolosha ka dhacay ee ay ku adkaato in ay shaqo helaan.

Xubnaha Waayeelka ee soo ururiya carruurta iyo dhalinyarada waxa ay joogaan inta badan gobolada dalka iyo wadamada deriska ah, gaar ahaan Kenya iyo xeryaha qaxoontiga, waxayna ka shaqeeyaan soo xero-gelinta dhalinyarada da’da yar, iyaga oo u sheegaya lacag gaadhaysa $500 oo Dollar. Waxayna ka dhaadhiciyaan in raalli-gelinta Illaahay darteed loo howlgelayo, waalid iyo cid kalena aanay shaqo ku lahayn oo si-qarsoodi ah loo maamulaayo. Waxay ugu ballan-qaadaan, ka dib marka ay muddo ka mid ahaadaan ururka ee ay galaan dagaalo dhowr ah in ay ka mid noqonayaan madaxda sare ee ururka, loona diri-doono Koorsooyin waxbarasho oo laga bixiyo dalalka Sudan iyo Sacuudiga.

Wargeys la yidhaahdo Kasmo Online oo wareystay wiil 19 jir ah oo ka tirsanaa Al-Shabaab, wuxuu sheegay in ay jiraan shuruudo adag oo ay ka mid yihiin in lagu aamino ama lagaa arko in aad tahay nin ay ka go’an tahay mintidnimo, haddii kale naftaada ayaa halis gelaysa oo waa lagaa shakiyi-karaa in aad meel kale ku lug leedahay.

“Haddii si buuxda laguu aamino, waxa lagu siinayaa tababar 3 billood ah iyo lacag fiican oo Dollar ah, waxaana lagugu xeraynayaa xeryo ku kala yaal degaannada Baraawe, Marka iyo Raaskambooni midkood. Muqdisho haddii aad joogtana xarun ku taal Madina ayaa lagugu tababarayaa. Waxaa kaloo tababar 3 – 7 maalmood ah la isku siiyaa dhismaha NBC ee Muqdisho. Kuwaasi waa muddo gaaban, waxaana lagu bartaa tuurista iyo aasidda miinada iyo weerarka ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.”

Xubno ka tirsan xubnihii hore ayaa iyagu dhalinyarada da’da yar ee waxbarashada ku jirta ka kaxeeya magaalooyinka waaweyn. Wargeyska Kasmo ayaa kula kulmay magaalada Nairobi, waalid carruurtoodii laga kaxaystay, ka dibna Meydkoodii laga helay Muqdisho. Aabbe Soomaaliyeed ayaa Wargeyskaas u sheegay: In wiilkiisii oo Kuliyad ka dhigan jiray duleedka magaalada Nairobi ay masuuliyiintii Kuliyaddaasi la soo hadleen, una sheegeen in muddo 7 maalmood ah aanu wiilkiisu ka soo xaadirin Kuliyaddii.

“Waxaan waayey meel uu ‘jaan iyo cidhib’ dhigay, ka dibna waa dambe ayaa Meydkiisii laga helay Xamar, goob ay ku dagaalameen ciidanka DFKG ah iyo kuwa Itoobiya iyo Al-shabaab,” ayuu yidhi Aabahaasi.

Aabbo kale oo Soomaaliyeed oo isna waayey wiilkiisii, mar dambena loogu sheegay in uu joogo Xerada qaxoontiga ee Xagar-dheer ayaa la kulmay isla aabbaha hore, intii uu wiilkiisa raadinayey, si sahlan ayuuna ugu sheegay in uu wiilkiisa ka raadiyo Xamar, geeri ama nolol midkood. Aabbaha dambe, wuxuu sheegay in wiilkiisa markii hore laga helay xerada qaxoontiga, guri walaalkii leeyahayna uu ku sugan yahay, taas oo uu ku farxay Odaygii. Hase ahaatee mar dambe ayey xaaska uu qabo walaalkii u sheegtay in wiilku meel u xidhxidhan yahay oo uu tegaayo.

Intii uu Odaygii isu diyaarinayey in uu gaadho halkii wiilku joogay ee uu gacanta ku soo dhigi lahaa, ayaa wiilkii u dhaqaajiyey dhinaca Dhoobley, kana baxsaday reerkii. Werwer ayaa ku soo kordhay Aabihii, waxaana maskaxdiisa ka dhex guuxayey Xamar iyo wiilkiisa oo Meyd ah oo loo soo sheegi doono. Dad Qaraabo ah ayaa wiilka ku arkay Dhoobley, kana codsaday in ay u kaxeeyaan Kismaayo. Balse wuxuu u sheegay in aanu meelna u raacayn. Wuxuuna ugu dambayntii 3 bilood tababar ah ku soo qaatay xerada Marka, dhamaadkii sanadkii 2007.

Wiilkan ayaa aabbihii u diiday in uu sheego magacyada dadka ka soo kaxeeyey Nairobi, isagoo Kismaayo ku soo laabtay ayuu reerkooda la soo xidhiidhay. Wuxuuse u sheegay in la siin doono mushahar $500 oo Dollar ah, markii uu Nairobi ka soo baxayna sahay fiican la soo siiyey, Dhoobley xafiis ku yaalna si fiican looga ambabixiyey, madaxina ay halkaas ku qaabileen. Wiilkan ayaa aabbihii ugu sheegay Telefoonka in uu muddo ka dib soo noqon doono isaga oo sidan ka fiican, haddii kalena uu janno geli doono.

Gorgortan ayaa hadda u socda wiilkan iyo aabbihii, waxaana odaygu doonayaa in uu wiilkiisa caqligii iyo Maskaxdiisii ku soo celiyo.

Shabaabku waxa ay dilaan cid kasta oo ay u arkaan in ay ka soo horjeeddo fikirkooda amaba taageersan dhinaca kale ee ay is-hayaan. Waxa kale oo ay dhegta dhiigga u daraan culimada awoodda u leh in ay ka kashifaan ama keeni kara daliil diini ah oo tilmaamaya in ay jiraan falal aan banaanayn oo ay Shabaabku fuliyaan. Waxay adeegsadaan hubka noocyadiisa kala duwan iyaga oo aan u nixin carruur, dhalinyaro, waayeel, hooyo iyo waxgarad kale midna.

Miinada iyo qoryaha hoobiyaha ayey aad u isticmaalaan, iyaga oo hubka ay ka midka yihiin bastoolada iyo qoriga AK47 u isticmaala dilka qorsheysan (Assassination). Waxay ka toogtaan dadka ay ku dilayaan dilka qorsheysan Madaxa iyo wadnaha oo keliya. Waa hubaal in dilal dad badan oo saraakiil iyo aqoonyahano ah loo geystay oo lagu dilay Muqdisho iyo gobolada kale oo noocaas oo kale ah ay iyagu ka dambeeyeen.

Toogashada ‘Madaxa iyo wadnaha’ inta la ogyahay waxay ku dileen dad ganacsato yar-yar ah, kuwaas oo ay ku eedeeyeen in ay wax ka iibiyeen qaar ka mid ah ciidanka Dawladda KFMG ah. Waxaa ka mid ahaa 2 haween ah oo Barafka biyaha lagu darsado ku iibinayey xaafadda Rugta Saraakiisha (Shiirkole Officiale) iyo wiil yar oo Soomaali ah oo isna ka shaqaynayey allaabooyinka lala wareego.

Gabadh Maqaaxi ku lahayd xaafad ka mid xaafadaha Xamar ayaa iyana madaxa la fujiyey, mid kalena wadnaha ayaa xabbad lagaga dhuftay ka dib markii ay shaah ka iibisay nin ka mid ahaa ciidanka DFKMG ah. Gabadhan ayaa la sheegay in loo digay, loona sheegay in aanay ka iibin karin Shaah dadka ka socda DFKG ah.

Labada gabdhood ee barafka iibinayey madaxa ayaa laga toogtay, mid ka mid ahina uur ayey lahayd, halka wiilka ay xabbadda afka u geliyeen, isaga oo sii jeeday ay dhabarka kaga yimaadeen, ka dibna markii ay soo jeediyeen ay su’aal weydiiyeen ahayd: sababta uu wax uga iibiyo ciidanka Cabdillaahi Yuusuf? Markii uu damcay in uu hadlo ee uu afka kala qaadayna, Bastoolad ayaa afka loo geliyey, laguna qarxiyey.

Cadowga koowaad ee Al-shabaab waa aqoonyahanka, saraakiisha, ganacsatada iyo waxgaradka, iyaga oo ula baxay magacyada ah Cilmaani, Salibiyiin, Ridada iyo kuwo kale.

Waxay Shirqool ku dileen saraakiil sare oo Muqdisho qiimo weyn u lahaa, waxaana ka mid ahaa:

1. Gen Harag-shabeel,

2. Gen Jilicow

3. Gen Maxamed Cabdi,

4. Gen. Sareenle,

5. Col Garam Karam

6. Col Seerjito

7. Cali Iimaan Sharmaarke- Horn Afrik

8. Mahad Axmed Cilmi- Horn Afrik

9. Prof Cabdulqaadir, Machadka Simad ee Muqdisho

10. Cali Muxiyaddiin- Afhayeen Gobolka Banadir

11. Daa’uud Xasan - Maamulka Dugsiga Beledweyne

12. Cabdulqaadir Yaxye – CB Nabadda

13. Cabdalla Deerow Isaaq- Wasiirkii Dastuurka

14. Guddoomiyihii Degmada Ceelbuur,

15. Guddoomiyihii Maxkamadda Degmada Beledweyne,

16. Taliyihii Taliska Ciidanka Gobolka Hiiraan.

Sida oo kale, waxaa la khaarajiyey ilaa tobaneeyo guddoomiye iyo ku xigeenno Degmooyinka Gobolka Banaadir ah. Waxa kale oo la dilay madax kale oo ka tirsanaa Maamulka Gobolka, Guddoomiyaha Gobolkana dhowr jeer baa la sigay.

Fal khaarajin ah waxa ka badbaadayey Col Cabdullaahi Yuusuf, oo fal ismiidaamin ah loo maleegay xilli uu ku sugnaa magaalada Baydhabo. Waxaa isna ugu yaraan 3-jeer dil ka badbaaday Cali Maxamed Geeddi, Ra’iisal Wasaarihii hore ee Xukuumaddii Mbagathi.

Dilka saraakiisha, Madaxda iyo aqoonyahanka kor ku xusan, waxa dhamaantood qirtay Al-shabaab, welina way socotaa magacyada dadka la dilay, kuwo kalena waa ku soo biiri doonaan.

Dhinaca Somaliland Al-Shabaab waxay Qarxyadii 29-kii October 2008-kii ku dileen dad gaadhaya Labaataneeyo qof iyaga oo waliba dhaawacay intaas in ka badan, waxa kale oo ay si gaadmo ah ku dileen 4-5 Shisheeye ah oo ka shaqaynaayey Hay’adaha samafalka.

Xigasho: Kasmo Online

By: Cismaan Cabdillaahi Sool….Freelance Journalist.